Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-goboleedka Puntland.
Ra”iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad-goboleedka Puntland, gaar ahaana madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, xubno kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.