Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi Nabadon Caynab muuse Xaaji Samatar oo Nabadoon u noqon doona Beesha Liibaan Cabdisamad ee Beelaha aadan Cabdiraxmaan ee Siwaaqroon
Xalafada caleema saarka oo ahayd xaflad lagu caleema saaro Nabadoon tii ugu waynayd oo lagu qabto deeganada gobolka Gardafuu iyo Calbari ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay iyadoo lagu saleeyay Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Nabadoonada deegaanka iyo Nabadoono iyo cuqaal ka kala yimid degmooyinka iyo magaalooyin waawayn ee Puntland iyo Soomaaliya iyo Aqoonyahano iyo waxgarad ka yimi dalalka deriska ah, samadoono, culamaaudiin , masuuliiyin ka socada Dawlada Puntland oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Salaad Xareed cali, iyo sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab Gubsul iyo Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu taliye shire Cabdi ismaaciil iyo marti sharaf kale oo kor dhaafay 700 oo qof

Inta badan Masuuliyinta ka soo Qeb Gashay Caleema saarka oo goobta ka hadalay ayaa balan qaaday in ay soo dhaweeynayaan Nabadon Cabdulaahi Nabadoon Caynab islamarkaana ay alle uga baryayaan in uu xilka u fududeeyo.
Waa markii ugu horeesay Caleemasaar Noocaan oo kale ah uu kadhaco deegaanada Calbari iyo gobolka gardafuu
Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shabakada BAARGAAL.NET waxay u hanbalyaynaayaan Nabadoon cabdulaahi Nabadoon caynab Ayagoo ilaah uga baryaaya Nabadoonka cusub inuu u fududeeyo hawsha loo igmaday