Xafladii 1 ogoosto ee Madaxtooyada oo sanadkaan baaqanaysa
Wararka ay warbaahinta halayso ayaa sheegaya in Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas uu doonayo inuu baajiyo Xafladii 1 ogoosto ee sanad walba ka dhici jirtay Madaxtooyada Puntland in kastoo Golaha Wasiirada ay soo jeediyeen in Xaflada la qabto maadaama Puntland ay 20 sano jirsaneyso.
Sababta loo baajinayo xaflada ayaa lagu sheegay wadanka oo ku jira xaalad dagaal.
Laakiin Golaha Wasiirada iyo Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanku waxay ku dadaalayaan in Xaflada la qabto oo ay waliba noqoto mid ka balaaran Xafladii horey loo qaban jiray.
1 ogoosto ayaa ah maalinta ay Reer Puntland u dabaal dagaan aasaaskii Puntland oo ahayd sanadii 1998 markii Puntland dhidibada loo taagay, Sanad walbana maalintaas waxaa Madaxtooyada lagu qabtaa Xaflad wayn oo caalamka oo dhan toos looga daawado, Madaxweynaha Puntland na wuxuu ka jeediyaa Khudbad gaara oo ku aadan xaalada Puntland iyo hiigsiga sanadka.