Munaasabada ayaa waxaa ka soo qaybgalay siyaasiyiin, dhalinyaro iyo masuuliyiin ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada ayagoo ka soo jeediyay madashay khudbado ay ku amaanayaan musharaxa kagana hadlaayaan waxqabadkiisi hroe ,
Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynaha Puntland doorashada la filayo in ay dhacdo Sanadka 2019-ka.
musharax Juxaa ayaa soo bandhigay qorshihiisa waxqabad, sababaha ku dhaliyey musharaxnimada, rajada uu ka leeyahay doorashada Puntland, wuxuuna madaxweynaha Puntland ugu baaqay in doorashada waqtigeedii lagu qabto oo uu magac uga tago.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa mar waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland xilligii uu Puntland Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.
Marka laga soo tago musharaxnimada Madaxweynaha Puntland ee Wasiirkii hore e Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa waxaa jira tiro kale oo musharaxnimadooda ku dhawaaqay iyo kuwo kale oo todobaadyada nasoo aadan ku dhawaaqi doona.