القائمة الرئيسية

الصفحات

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo dib ula wareegtay degaanka Af-urur


Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa dib ula wareegay degaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Gen; Axmed Cabdi Xaashi, taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in maleeshiyadii Al-Shabaabka ahaa ee ku sugnaa degaanka ay carareen,markii ay ka war heleen in ay Ciidamadu kusoo wajahan yihiin.
“Waaberigii ayaynu xoreynay degaanka Af-urur oo markii hore si kedis ah loogo soo baxay oo ay cadawgu yimmaadeen, cadowguna markii ay ogaadeen inaannu kusoo fool leennahay ayaa waxay sameeyeen sidii ay awelba yeeli jireen way ka carareen meeshi, wax iska caabbin ah oo naga hor yimidna ma jirin” ayuu yiri taliyuhu.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo degaankaasi ay kala wareegeen 20 Cisho ka hor Malleeshiyada Al-Shabaab dagaal la’aan ayaa sidoo kale isaga baxay Af-Urur markii culeys xooggan kaga yimid Ciidanka Daraawiishta Puntland.