Xiisadda u dhaxaysa qowmiyadda Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa sababtay inuu sare u kac ku yimaado qiimaha qudaarta baradhada, basasha oo ka timaadda dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale halkii kiilo ee yaanyo ay gaartay sideedtan kun oo Shilin Soomaali ah, waxaana horay loogu iibsan jiray kiiladii Yaanyada sodon kun oo shilin Soomaali ah.
Arrintan ayaa ganacsatadu u sababaysay qudaartii ka imaan jirtay Itoobiya oo hoos u dhac uu ku yimid, kadib colaaddii ka dhex qaraxday Oromada iyo Soomaalida gobolka Ogaadeeniya.
Puntland ayaa khudaarta ugu badan waxaa ay uga timaadaa Itoobiya iyo Koonfurta Soomaaliya,
Haddaba Dadawaynaha Puntland ayaa qaar ka mid ah ka hadlay saamayntan, iyagoo la hadlay radiyo Daljir.