Hees qoraal : Cajabeey Cajiibeey Maxamed Saleebaan Tubeec
Erayada: Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)
Laxanka: Cabdikariin Faarax Qaarrey (Jiir)
Luuqda: Maxamed Saleebaan Tubeec
Cajabeey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa
Sida geed cal iyo buur
Carro-hodan ku yaalloo
Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Hoobaan casuus lihi
Laamaha cuslaysoo
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabbaadhyo
Dusha sare caleentii
Cidhifka isla gaadhaan
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku inuu ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
Cad waxaad wadaagtaan
Dhulka oo cagaar loo
Cosobkii is gaadhoo
Cagta meel la saaroon
La cuskado lahayniyo
Fiid cawl horraantii
Cirka oo daruurii
Ku dhigeen cinjiidaa
Dayaxiyo cadcadduna
Cidhifyada ka joogaan
Sagal caasha saaraad
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku inuu ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
Sida faras cag fududoo
Caddo-horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad goostaa
Raggu ku cugtamayaa
Cimridherer hadhkaagaan
Riyo kula caweeyaa
Culimada jacaylkee
Cawdayda goysee
I cadaadinaysaan
U calool qubeeyaa
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku inuu ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen