القائمة الرئيسية

الصفحات

Liibiya Oo Ku Gacan-sayrtay Qorshaha Midawga Yurub Ee Xakamaynta Muhaajiriinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Liibiya ayaa sheegay in waddankiisu uu ka soo horjeedo qorshaha Midowga Yurub ee dhinaca soo galootiga, qorshahaas oo  dhigaya in xarumo lagu qiimeeyo laguna kala saaro muhaajiriinta in laga dhiso meel ka baxsan dhulka EU-da.
Wasiirkan reer Liibiya oo lagu magacaabo Maxamed al-Tahre Siala ayaa sheegay in dalalka Waqooyiga Africa ay ka soo horjeedaan in dhulkooda laga dhiso xeryahaas ay qorshaynayaan Midawga Yurub.
Qorshaha waxaa soo diyaariyay iskuna raacay hoggaamiyayaasha Midowga Yurub bishii Juun,kadib markii uu Talyaanigu ku baaqay in loo baahan yahay in gacan bir ah lagu qabato Muhaajiriinta iyada oo xuduudaha dalalka Midawga Yurub la adkaynayao.
Waxa uu sheegay in xeryahaas bedelkooda ay Liibiya diyaar u tahay inay la shaqayso wadamada ay jaarka yihiin si xuduudadooda ay u adkeeyaan.
Bishii July  ayaa Madaxwaynaha faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in qorshahan Midowga Yurub ee xarumaha laga dhisayo Waqooyiga Afrika aanu  shaqaynayn haddii aysan dalalka laga dhisayo xeryahan aanay hogaaminayn Barnaamijka.