Kulanka Maamul Goboleedyada uga furmi doono Magaalada Garoowe ayaa la filayaa inay kasoo bixi doonaan qodobo dhawr ah oo la xiriira khliaafka dawlada iyo maamul goboleedyada
Shirkii Kismaayo ay ku yeesheen ayey kaga dhawaaqeen inay xiriirka u jareyn Dowladda Dhexe waxayna taas keentay inay istaagaan dhammaan shaqooyinkii Dowladda Dhexe kala dhaxeeyey Maamul Goboleedyada oo ay ugu horeeyeen Shirkii Amniga Qarank iyo Arrinta Dastuurka.
Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo xaasaasi ah oo ay kamid tahay inaysan Dowladda iyo iyaga dib dambe u macaamili doonin ayna ka madax banaan yihiin taasna ay keeni doonto inay Soomaaliya gasho xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran.
Sidoo kale waxaa kamid ah qodobada shirkaan looga hadlayo in dib loo dhigo dhammaan doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Maamul Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland isla markaasna aysan wax talo ah ku yeelan Dowladda Dhexe.