القائمة الرئيسية

الصفحات

Xubno ka tirsan Daacish oo lagu dilay duqeyn Maraykanku ka fuliyay gobolka Bari ee Puntland


Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay shalay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda
Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayey ku sheegeen in ay laba xubnood oo ka tirsan Daacish ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ay Arbacadii shalay ka geysteen buuraleyda Golis ee gobolka Bari.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya aysan jirin khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool degaannadaasi.

Qoraalka ayaa intaasi raaciyay in duqeytaasi ay ahayd tii shanaad ee lala beegsado Daacishta ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland tan iyo 14-kii April xilligaasi oo diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn cirka ah ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob.