القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Shir Dib Loogu Eegayo Mashruuca Horumarinta Degmooyinka #Puntland #JPLG


Garoowe, Luulyo, 29, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shir dib loogu eegayo mashruuca horumarinta degmooyinla Puntland ee JPLG.

Shirkaan oo bishiiba mar la qabto waxaa doorkaan looga hadlay, guulihii la gaaray, caqabadihii lala kulmay iyo qorshaha sanadka soo socda ee JPLG, waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayey xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Agaasimayaasha guud, guddoomiyayaasha degmooyinka, kuwa Gobolada, Saraakiil ka socday hay’addaha barnaamijkan ka taageera dowladda iyo marti Sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cismaan Karaash oo furay shirka ayaa sheegay inuu xog-ogaal u yahay mashuurcaan horumarinta degmooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu waxtar ballaaran u leeyahay shacabka Puntland, isla markaana uu ka muuqday horumar ahaan degmooyinka uu ka shaqeeyo.

Madaxweyne Axmed Karaash ayaa xusay inuu jiro tartarn dhinaca degmooyinka ah, kaas oo salka ku haya horumarka iyo Kobaca ay samaynayaan magaalooyinku, isla markaana ay muhiim tahay in mashruucaan la baahiyo.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahadceliyey hay’addaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee gacanta ka gaysta ka shaqaynta hirgalinta mashuurcaan, waxaana uu ugu baaqay inay sii dar-dar geliyaan, si loo gaaro yoolka Horumarineed ee la hiigasanayo.