Puntland oo fashilisay weeraro Argagixiso
Ciidamada Ammaanka Puntland ee loo yaqaano PSF-ta oo howshoodu tahay la dagaalanka Argagixisada ayaa la sheegay in ay fashiliyeen qaraxyo la doonayey in waxyeelo loogu geysto Puntland, gaar ahaana Shacabka magaalada Boosaaso.
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa soo bandhigtay, waxaana sidaas oo kale madasha la keenay rag maxkamaddu ku xukuntay in ay ahaayeen kuwii fulin lahaa.
Dil, Xabsi dheer iyo sii deyn ayaa lagu kala xukumay Eedaynayaasha maxkamadda lahorkeenay, waxayna Saraakiisha Ammaanku sheegeen in weeraradan ay doonayeen in ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ragga lasoo bandhigay ee la xukumay qaarkood, waxaa ku jira sidda wararku sheegayaan kuwa horey loo raadinayay oo katirsanaa kooxaha Al- Shabaab iyo Daacish oo labadoda dhexdooda cadow isku ah.