Wadahadalo nabadeed oo lagu soo afjaro colaada Yemen ayay maanta ku baaqeen Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.
War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen wasiirada arrimaha dibadda ee xulafadu ayaa waxa ay ugu baaqeen dawlada Yemen iyo falaagada Xuutiyiinta iyo kooxaha goobi-goosatada ah inay gogol nabadeed u dhigeen Jida.
Sidoo kale dowladdan ayaa dhinacyada dowladda iyo kooxda Gooni-u-goosadka ugu baaqay xabadda joojin, iyagoo ka dalbaday inay si wada jir ah ula shaqeeyaan guddi farsamo oo ka kooban xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka
Xulafada Sucuudiga ee gulufka colaadeed ka aloosay Yemen ayaa taageera xukuumada uu caalamku aqoonsan yahay, waxana xiisada Yemen ay cirka isku sii shareetay markii ay soo if baxeen koox sedexaad oo gooni goosad oo ay taageeraan Imaaratku.
Maleeshiyaadan gooni u goosadka oo sii xoogaysanaysaa ayaa dhawaanla wareegtay gacan ku haynta magaao xeebeedka Cadan iyo dhul kale oo ay dawladu gacanta ku hayn jirtay oo ay ku jirto magaalada Abyan ee koofurta dalka Yemen.