القائمة الرئيسية

الصفحات

USA: Waan Sii Wadaynaa Hawlgalada Milatari Ee Badda Shiinaha



Milatariga Mareykanka ayaa qorsheynaya in uu sii wado, waxa uu ugu yeeray xornimada socdaalka oo uu ka wado xeebaha koonfureed ee Shiinaha.
David Goldfein oo ka tirsan ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in qorshahaan ay uga gol leeyihiin sidii looga hortagi lahaa in shiinaha uu gacanta ku dhigo gobolka Istaraatiijiga u ah marinka Ganacsiga.
Mr Goldfein ayaa intaa raaciyay in Washington ay ka go,antahay in ay difaacdo saaxiibada ay ku leedahay gobolka hadii ay dhacdo weerar ka dhan ah maraakiibtooda, kadib wareysi uu siiyay warbaahinta Rappler.
Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tagay magaalada Manilla ee caasimada u ah dalka Filibiin waxaana socdaalkan ku wehlinayay Charles Brown oo ka tirsan saraakiisha ciidanka cirka Mareykanka.
Dalka Filibiin oo dhanka koonfureed xad kala leh dalka Shiinaha ayaa waxay isku heestaan dhul biyood u dhaxeeya labada dal waxaana halkaasi sanad waliba mara ganacsi gaaraya boqolaal trillions oo dolar-ka Mareykanka.
Howlgalkaan ayaa dhanka kale waxaa ka soo horjeestay dowlada Shiinaha, iyadoo Mareykanka uu sheegay in uu sii wadi Doono.