القائمة الرئيسية

الصفحات

Talyaaniga Oo 14 Bilood Ka Dib Markii U Horaysay Ogolaaday Tahriibayaal Ka Soo Daga Xeebahiisa.


Dowladda cusub ee Talyaaniga ayaa u oggolaatay markab samafal oo ay saaran yihiin 82 qof oo la soo badbaadiyay inuu ku soo xidho xeebaha jasiirada Lampedusa, tallaabadaas ogolaashaha ah ayaa mid miijinaysa in dawladan cusub ay dib uga laabanayso siyaasadihii ay albaabada u xirnaa ee Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Matteo Salvini uu ku mamnuucay in doonayaha tahriibayaasha iyo kuwa soo badbaadiyaba ay cagaha soo saaraan carada talyaaniga.
Markabkan loo ogolaaday inuu Talyaaniga ku xidho loo lagu magacaabo Ocean Vikinayaa waxa kacanta ku haysa hayado samafal Faransiis ah oo kala ah SOS Mediterranee iyo Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn (Medecins Sans Frontieres ee MSF), ayaa waxa uu ku xayirnaa xeebaha u dhaxeeya Malta iyo Talyaaniga muddo ku dhow laba toddobaad waxayna codsadeen inay soo xidhaan.
Dowlada cusub ee talyaaniga ee uu hogaamiyo Raiisel wasaare Giuseppe Conte ayaa si rasmi ah ula wareegtay talada maalintii talaadada ahayd, waxayna balan qaaday siyaasad furfuran oo bini aadamnimo ku salaysan marka ay noqoto dhinaca muhaajiriinta taas oo kasoo horjeedda siyaasadii adkayd ee tahriibayaasha u quus goysay ee Salvini.
Xukuumadda isbahaysiga cusub, oo ka kooban xisbiga caanka ah ee Five Star Movement iyo xisbiga Dimuqraadiga bidix, ayaa fasax u siiyay markabka inuu ka xidho Lampedusa Sabtidan maanta ah.
MSF ayaa sidoo kale sheegtay in muhaajiriinta ay soo badbaadiyeen ay ka koobneyd 58 rag ah, lix haween ah iyo 18 carruur ah.