wasiirka iyo wafdigiisa oo soo gaaray magaalada Baargaal saacadu markay ahayd 2:30 PM ayaa waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Isuduwaha wasaarada arimaha Gudaha ee gobolka Gardafuu mudane C/qaadir Maxamed Jaamac iyo sidoo kale Mas'uuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu Hormuud u yahay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf ,Odoyaasha Dhaqanka, waxgaradka, ururada bulshada iyo dadwayne aad u farabadan oo uga hortagay wasiirka iyo wafdigiisa meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaaya calanka Puntland , Sawirada wasiirka iyo xildhibaanka , caleemo qoyan iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu soo dhawaynaayo wafdiga wasiirka.
wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa ka soo degay gawaaridii ay saarnaayeen ayagoo salaan iyo marxabayn la qaatay bulshadii iyo waxgaradkii kaga hortagay magaalada banaankeeda
isuduwaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri :
" waxaan jecelnahay wixii waxqabad ah oo ay u baahantahay degmada Baargaal oo ay ugu horayso dhisida Golaha deegaanka aan turxaan bixino kadibna aan ugu yeerno wasaardii shaqada ku lahayd e arimaha gudaha
intaas kabacdi waxaa hadlay xildhibaan c/laahi yuusuf muuse oo sheegay inay gudanaayaan waajib kamid ah waajibaadkoodii , asgoo sheegay inay Baargaal ka mid tahay magaalooyinka ay sida gaar ah u matalaan waxaan waajib nagu ah inaan dadkeeda u tagno tabashooyinkooda dhagaysano kadibna aan xukuumada u gayno
ugu danbayntii waxaa hadalka qabsaday wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Muddane Faarax Cawaash oo yiri
wafdigan ayaa hordhac u ah wafdi kale oo ballaran oo ka socda oo wada dhismaha golayaasha degmooyinka Puntland ayagoo la filaayo inay degmada Soo gaaran todobaadka danbe
Dhinaca KAle wasiirka kaluumaysiga & khayraadka badda Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Baargaal wuxuu dhisi doona oo doorasho u qaban doonaa haduu eebe idmoo Iskaashatada Degmada baargaal oo u dhisi doono maamul iyo hogaan cusub
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEj-lUha-KqkpL8qEDL1-ql0TwFPbiWlNlfp4v4N-l8ZJyPZMd04iZhH8kxLSVNa7RUr9Qr71J3XPZpYSZHAAzCezNGlc7QVsO9oZG6o0NX58NxDktjfV2jQ5tuGpiyotsf9iLila8ogyHPZ/s1600/20190907_144549.jpg)
SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
" waxaad muujiseen inay baargaal tahay balad xadaarad iyo ilbaxnimo taal, Baargaal inay tahay Balad beero iyo beeyo caan ku ah , Baargaal inay tahay hooygii boqorka iyo beeldaajuhuba degenaayeen , Baargaal inay tahay meel bulshada Barbaarisa oo Korisa bulsho isku duubana ay joogto"