Ansixinta Ajandaha Kalfadhiga Baarlamanka Puntland oo dib loo dhigay
Golaha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta dood adag
ka yeeshay ansixinta Ajandaha kalfadhigooda 45-aad ee furmay Sabtidii shalay.
Xildhibaannada Baarlamanka, ayaa doodii maanta si weyn ugu
kala qeybsamay ansixinta Ajandaha, kadib markii qaarkood soo jeediyeen in
qodoba ku jira laga saaro ka hor inta aan la ansixin, halk xubno kalena ay ku
doodeen in sidiisa lagu ansixiyo.
Sidoo kale, mudanayaal ka tirsan golaha ayaa dhankooda soo jeediyay in qodoba cusub lagu daro Ajandaha ka hor inta aan la ansixin, waxaana taasi keentay in maanta la isku mari waayo ansixinta Ajandaha.
Ugu dambeyntii, Golaha ayaa go’aamiyay in maalinta berri oo Isniin ah dib la isugu soo laabto, si loo ansixiyo Ajandaha muranka dhaliyay ee maanta la isku fahmi-waayay.
Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa shalay ku furmay waji kulul, iyadoo Madaxweyne Deni si caro leh uga jawaabay su’aal la weydiyey, isla markaana uu ka baxay hoolka Baarlamaanka.