القائمة الرئيسية

الصفحات

DAAWO: ODAYAASHA GOBOLKA BARI OO EEDAYMO KULUL U JEEDIYAY XUKUUMADDA PUNTLAND


Shirar maalmihii u dambeeyey u socday qaar kamid ah waxgaradka beelaha gobalka Barri ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan xaaladdaha Puntland, waxaana si adag loogu cambaareeyey Maamulka talada haya ee Puntland oo lagu eedeyey in ay gabeen dhammaan masuuliyadii loo xilsaaray.
Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiinta gobalka Barri,  oo wariyayaasha u akhriyey bayaanka ayaa sheegay in ficilada dawladdu ay yihiin kuwa gabi ahaanba hareer-marsan doonista Shacabka.
Muuse ayaa ku eedeeyey Xukuumaddu in aysan u adkeysan karin xaqqa ay shacabku u leeyihiin in ay aragtidooda shaqsiga ah ay muujiyaan, sidaas oo kalena la dhaliilo oo laga saxo khaladaadka ay ku jiraan.
21 sanno ka dib wuxuu sheegay in ay Puntland ku jirto marxalad ay ka hormarayaan maamuladii ka dambeeyey, isagoo sheegay in aytaasina ugu wacan tahay in madaxdeedu aysan danaheeda ka fakarin ee ay mar kasta xooga saran dhinacyo kale.
In ay Puntland kala maqan tahay, kuna soo koobantay labo gobal iyo bar ayey sheegeen, waxayna ku eedeeyeen maamuladii isaga dambeeyey kuwa aan diyaar u aheyn difaaca iyo xoreynta deegaanada maqan ee Puntland.
Heshiisyada lala galayo shirkaddaha Kalluumeysiga iyo kuwa dalalka Shisheeye ayay sheegeen in ay dhamaantood yihiin qarsoodi aan wax xog ah laga heynin ayna tahay in dabagal lagu sameeyo, waxaynas heegeen in ay Xukuumaddu ogoleyn arrimahaas.
In lala dagaalamo Midimada ummadda Soomaaliyeed oo la burburiyo dawladda Faderaalka Soomaaliya ayay sheegeen in aytahay mid ay leeyihiin Madaxda Puntland ayna mar kasta ku howlan yihiin.
Sidaas oo kale ,waxay sheegeen in aysii wadayaan kulamadooda waxayna cadeeyeen in aysan marnaba taageeri doonin isku day kasta oo looga hor imaanayo dawladda faderaalka, waxay sheegeen in Ilihii dhaqaalaha Boosaaso oo dhan ay la wareegtay dawladda Imaaraatka Carabta ayna tahay arrin weyn oo ay tahay in dadka oo dhan ay indhaha ku hayaan.
Odayaashan ku kulmay Boosaaso, ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay Xukuumaddu dhawaan dhibsatay kulamo siyaasadeysan oo ka dhacay Boosaaso, kuwaas oo dhamaantood lagu diidanaa qaabka ay wax ku wado dawladdu