Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Adis-ababa ee xarunta wadanka Itoobiya iyada oo wefdiga madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay halkaas.
Ra’iisul-Wasaaraha dalka Iyoobiya Abiy Axmed ayaa garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada adis soo dhaweyn heer sare ah ugu sameeyay wefdiga uu hogaaminayay madaxweyanaha dalka.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Itoobiya uga qeyb gelaya shir madaxeeda urur gobaleedka IGAD oo maalmaha soo socda ka furmaya dalkaas isla markaana ay ka qeyb geli doonaan madax kala duwan.