Mareykanka oo shaaciyay in uu duqeyn ku dilay hogaamiyihii ururka ISIS Abu Bakr al-Baghdadi
Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Mareykanka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa waxaa uu Mareykanka duqeyn ka dhacday gudaha dalka Suuriya uu ku dilay hoggaamiyaha ururka ISIS ama loo yaqaan Daacish Abu Bakr al-Baghdadi.
Warkan ayaa waxaa laga xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka kaas oo magaciisa qariyay, balse sheegay in uu warkani jiro, ayna sugayaan xaqiiqada dhabta ah.
Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitterka waxa uu suoo qoray in “wax aad u weyn ayaa hadda dhacay”, taas oo loo fasiran karo in uu yahay warka ku saabsan dilka al-Baghdadi.
Abu Bakr al-Baghdadi, hogaamiyaha kooxda ISIS ama Daacis ee Khilaafada Islaamka Suuriya iyo Ciraaq ayaa horay usa soo muuqday cajal uu soo duubay kaas oo sannadkii 2017 Mareykanku sheegay in uu dhintay.
Markii ugu horreysay oo uu cajal kasoo muuqday ayay aheyd magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, sannadkii 2014-ka xilligaas oo kooxda ISIS ay ugu awoodda badneyd.
al-Baqdaadi oo magaciisa runta ah yahay Ibrahim Awwad Ibrahim al-Badri ayaa waxaa uu ku dhashay sannadkii 1971 magaalada Samarra ee dalka Ciraaq, waxaana uu kasoo jeedaa sida uu sheegtay qoys qabiil ahaan kasoo jeeda nabi Muxammad NNKH.
Warkan ayaanan lala soo bandhigin xaqiiqooyin, sida sawir iyo wax la mid ah.