Qoridda Taariikhda
“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima’e
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaalle”
—Xaaji Aaadan: Ceerigaabo.
Ibnu Khalduun waxa uu kitaabkiisa taariikhda (كتاب العبر وديوان المبتدأ والخبر في أيام العرب والعجم والبربر ومن عاصرهم من ذوي السلطان الأكبر) hordhac uga dhigay qayb gaarkeeda buug u noqotay—Muqaddimatu Ibnu Khalduun. Waa buug ka mid ah liis kooban oo ay ku jiraan buugaag ibofur u noqday aqoon iyo garasho hor leh.
Bilowga Muqaddimada waxa uu kaga hadlayaa ahmiyadda taariikhda, waxa uuna tilmaamayaa in ay fududdahay oo culamo iyo caamaba ay fahmayaan marka dusha laga eego. Laakiin marka loo sii fiirsado ee hoos loogu dhaadhaco, ay u baahan tahay fiiro, hufid iyo haadin, jirtooyin iyo sababayntood, garashada dhacdooyinka iyo dhugashada sidii ay ku yimaaddeen.
Ibnu Khalduun taariikhda waxa uu u arkaa arrin gundheer oo falsafad ku aroorta mudanna in lagu tiriyo laamaha falsafadda.
Waxa uu leeyahay taariikhdu waa aqoon (fanni) sharaf iyo faa’iido badan maadaama ay innoo suuragalinayso inaan ogaanno xaaladihiii tagtada iyo akhlaaqda/dhaqankii ummadihii hore, iyo siirooyinkii Anbiyada; boqorrada iyo dawladahoodii iyo siyaasaddoodii—si uu ugu daydo qofkii u raba diintiisa iyo adduunyadiisa.
Taariikhdu waa xididdada dhulka ku dhaaba qofka ee u ah dhaxal uu ku arooro kana biyaqaato. Waa muraayad uu ka daawado tagtadiisii kana dheehdo wixii casharro iyo cibro qaadasho ugu duugan. Waa ilays lagu iftiinsado taaganta laguna ifafaaleeyo timaaddada. Ahmiyadda ay taariikhdu leedahay waxa aynu ka dheehan karnaa sida ay dhacdooyinka Taariikheed uga buuxaan Qur’aanka. Saxaabadiina waxa ay siiradii Nebiga SCW ilmahooda u bari jireen sida ay suuradaha Qur’aanka u baraan.
Ibnu Khalduun waxa uu culamadii hore ku ammaanayaa dedaalkoodii ay ku qoreen taariikho heer sarreeya, laakiin waxa uu si kulul u eedaynayaa dad uu leeyahay arrintii baa ay dhabqiyeen oo ay ka dhigeen timir xabaal taalla wax aan jirinna ka buuxiyeen taariikhdii. Waxa uu ku dhaleecaynayaa in aysan xil iska saarin waxa sababay dhacdooyinka ay diiwaangaliyeen iyo xaaladaha ay ka warrameen. Maxaa yeelay, ayuu leeyahay, dhaqanka iyo xaddaaradda bulshadu waxa ay leeyihiin xaalado ay tahay in wararka iyo dhacdooyinka lagu halbeego oo lagu kala garan karo wixii suuragal ah iyo wixii kale.
Sidaas awgeed, waxa uu ku dhaleecaynayaa in aysan iska tuurin wararka aan sugnayn oo hubsiimada iyo xaqiijintu ay ku yar yihiin, aysanna kala hufin/haadin waxa ay qorayaan oo qalad iyo deelqaaf badani ka buuxo, kaas oo ay sii kala xigteen.
Ibnu Khalduun uma arko arrin qumman in taariikhyahanku soo minguuriyo dhacdooyin hore, isaga oo aan tixgalinayn isbeddelka xaaladeed iyo sida ay u doorsoomeen caadooyinkii ummadaha iyo jiilashu. Waxa uu leeyahay waxay soo qaadayaan wararka dawlado iyo sheekooyinka dhacdooyin xilliyo hore ahaa, iyaga oo u soo gudbinaya qaab ka madhan macnihii ay lahaayeen oo ka dhigaya waxyaalo lala yaabayo, maadaama aan aqoon loo lahayn.
Waa dhacdooyin aan la garanayn meesha ay salka ku hayaan iyo arrimo aan la abla-ablayn oo aan la kala gurin, taariikhyahannaduna waxay ku celcelinayaan soo guurinta war cid hore kaydisay oo ay sidoodii u soo tebinayaan.
Waxa uu leeyahay marka ay taariikhda diiwaangalinayaan, wax tixgalin ah ma siinayaan jiilasha soo koraya, taas oo keenaysa in ay u baahdaan cid u fasirta maadaama ay taariikhdii noqotay wax aan la fahmi karin isbeddel ballaadhan dabadii. Waa sidii markii Asxaabul Kahfi oo aan dareensanayn muddadii dheerayd ee ay hurdeen, ay magaaladii cunto u doonteen iyaga oo sita lacag beri hore laga baxay oo aan la aqoon, dabadeedna la la yaabay.
Soomaalidii hore beenta way ka “caagganaayeen” halka dadkii dambe ay caado u noqotay. Waxaa la mid ah Carabtii hore oo beenta iyo ballanfurku ay ceeb weyn dhexdooda ka ahaayeen. Haddaba marka taariikh la qorayo, xaaladdii bulsho ee dhaqan in la ogaado wax weyn bay taraysaa. Kalsoonida warkooda lagu qabi karana wax weyn ayay kaa caawinaysaa. Xogtii aad haysay inaad fasirtid oo aad waaqaceedii ku fahantidna way kuu fududaanaysaa.
Taariikhyahanku waa in uu ogaadaa in dadka, afkooda, iyo dhaqankoodu isbeddelaan oo uusan dhaqanka maanta uun ku qiimayn kii dad waa hore tagay. Dhacdooyinka waa in lagu fasiro waaqacii ay ka dhex dhasheen. Haddii dad beri hore abaaday oo ku noolaa waaqac kaaga aad uga duwan, aad dusha ka saartid adduun-araggaaga iyo sida aad maanta u dhaqantid ama adduunka looga dhaqmo, wareer ayaa ka dhalanaya taariikhdiina waa ay marin habaabaysaa.
Eedaha kale ee uu u soo jeedinayo taariikhyahannada waxa ka mid ah in marka ay qorayaan dawlad taariikhdeed ay isdabataxaan run iyo been wixii ay maqlaan, ee aysan si lafaguran u qaadaadhigin sidii ay ku bilaabatay, wixii calankeeda taagay ee awoodda u yeelay, iyo sababta gaadhsiisay heerka ay gaadhay. Taasina akhristaha kama haqabtirayso baahidii uu qabay, wuxuuna ku jirayaa baadigoobka xaaladaha dawlad dhaliya iyo marxaladaha ay marto, isaga oo baadhaya sababaha ay isu riixaan isuna dhaxlaan/beddelaan, islamar ahaantaana raadinaya wax ka qanciya waxyaalaha ay dawladuhu ku kala duwan yihiin iyo waxa ay ka siman yihiin. Haddaba, in uu booskan buuxiyo ayuu Ibnu Khalduun u qoray Muqaddimada iyo taariikhda ay hordhaca u tahay.
Tubta Taariikhyahanka
Qofka taariikhda isku hawlayaa waxa uu u baahan yahay ilo kala duwan oo uu ku arooro, aqoon kala jaad ah, fiiro wanaagsan, iyo hubsiino uu xaqiiqada ku haleelo, kagana dheeeraado qaladka iyo goobaha simbiririxashada.
Ibnu Khalduun waxa uu leeyahay warka marka la soo tebinayo haddii la isku koobo werinta, ee aan la saarin halbeegga caadada, qaacidooyinka siyaasadda, dabeecada xaddaaradaha, iyo xaaladaha bulsheed ee insaanka; haddii aan wixii tagay lagu qiyaasin waxa taagan, waxay u badan tahay inaan xaqiiqadeeda laga gungaadhin.
Waana sababta taariikhyahanku ay qalad ugu dhacaan maadaama ay tebinta xoogga saareen ee aysan sheekooyinka iyo dhacdooyinka u celin asalkoodii, dhiggiina aysan isaga qiyaas qaadan, warkiina aysan fiiro dheer u yeelan. Sidaas awgeed, xaqiiqadii ayay ka lumeen.
Tusaale waxa uu u soo qaadanayaa tirooyinka hantida iyo ciidammada ee sheekhooyinka taariikhda ku jira. Waxa uu leeyahay tirada ciidammadii Banuu Israa’iil ee Mascuudi iyo taariikhyahanno badani ay diiwaangaliyeen ee sheegaysa inay ka badnaayeen 600,000 in aysan suuragal ahayn, aysanna aqbaliddeeda ku filnayn in la soo tebiyay ee ay tahay in suuragalnimadeeda lagu qiimeeyo dhawr arrimoood.
Koow, degaankii ay joogeen ciidan intaas le’eg ma qaadi karin, oo marka la eego ciidanka iyo degaanka qaadi kara ee baahidiisa dabooli kara, tiradaasi aad ayaa ay u badan tahay.
Ciidan intaas le’eg in uu labo saf oo is-hortaagan noqdo si uu u dagaallamo (eeg al-Baqarah: 54), oo midi midka kale ka adkaado, waa ay adag tahay oo dhinacyadu ismaba arki karaan iskamana warhayn karaan—sida ay u kala fog yihiin. Waxaa kale oo uu ku doodayaa, Faarisiyiintii oo ka awood badnaa kana boqortooyo weynaa ma haysan ciidan intaa gaadha.
Haddii reer Banuu Israa’iil haysan lahaayeen ciidan sidaa u ballaadhan, dawladdoodu waa ay fidi lahayd oo awood badan ayaa ay yeelan lahayd, ee kuma aysan koobnaateen qaybo Shaam iyo Xijaas ka mid ah.
Midda kale, Nebi Yacquub (Israa’iil) CS waxa uu Masar la galay wiilashiisii (Asbaad) iyo dhashoodii markii ay Yuusuf CS u imanayeen, waxaana lagu qiyaasaa ilaa 70 qof. Markii ay Masar ka baxeen ee ay Nebi Muuse CS raaceenna afar jiil ayaa ka soo wareegtay imaanshahoodii. Sidaas awgeed, ayaa uu ku doodayaa Ibnu Khalduun, suuragal ma aha in muddadaa kooban ay 70 qof ka tafiirmaan dad ciidankoodu gaadhayo lix boqol oo kun. Xitaa xilligii Nebi Saleebaan CS ma gaadhi karin tiradan, ayuu leeyahay. Waxa uu soo xiganayaa in ciidankii Saleebaan CS ahaa 12 kun, taasina ay runta u dhowdahay, ee 600 oo kun ay khuraafaad tahay oo xilligii Saleebaan CS waa xilligii boqortooyada Banuu Israa’iil ugu awoodda badnayd uguna ballaadhnayd.
Doodda Ibnu Khalduun mid la mid ah ayaa laga gali karaa qabiillada Soomaaliyeed ee Carabta ku abtirsada iyaga oo sheega in odaygii ay ka farcameen uu ahaa sheekh dadka diinta barayay oo dadkii meesha joogay ka guursaday ka dibna ay iyagu tafiirtiisii yihiin si toos ahna ay ugu abtirsadaan. Haddii tiradooda iyo muddada ka soo wareegtay la isu eego, waa ay adag tahay in taariikhdaa ay sheegayaan la rumaysto.
Sidaa hore si la mid ah, Ibnu Khalduun waxa uu su’aal ka keenayaa tirooyinka ciidammada iyo dakhliga dawladaha ee ay taariikhyahannadii hore qori jireen, waxa uuna leeyahay aad ayaa ay uga badbadiyeen tirada si ay u sheegaan wax lala cajabo. Waxa uu leeyahay, haddii aad waraysato dadka diiwaanka ciidanka iyo dakhliga dawladda ka masuulka ah tirada ciidanka u qoran iyo dhaqaalaha soo gala, haddii aad u kuurgasho hantileyda ganacsigooda iyo faa’iidada ay helaan, haddii aad daalacato kuwa dadka ugu israafka badan iyo waxa ku baxa, heli maysid toban-meelood-meel waxa ay taariikhyahannadaasi tirinayaan!
Taasna waxaa sabab u ah, ayuu leeyahay, nafta oo ku falan jacaylka waxyaalaha qariibka ah ee lala yaabo, kan qorayaana cid dabagasha oo naqdisa kama baqayo. Sidaas awgeedna naftiisa kuma xisaabinayo kas iyo kama’ wixii gef ah ee ay ku dhacdo, iskumana hawlayo in uu warka u dhigo si dhexdhexaad iyo caddaalad ah, ama uu u celiyo baadhitaan iyo hubin, markaas ayaa uu xakamaha debcisanayaa oo uu carrabkiisa ku sii daynayaa in uu beenta daaqo.
Halkan Ibnu Khalduun waxa uu innagu dareensiinayaa ahmiyadda ay leedahay in ilo badan xogta laga soo ururiyo oo warka suuragalnimadiisa iyo mudnaantiisa lagu qiimeeyo, ka hor inta aan la diiwaangalin.
Taariikhyahanku waxa uu u baahan yahay in uu aqoon u lahaado qawaacidda siyaasadda, dabeecada jiraalka, kala duwanaanshaha ay ummadaha, dhulalka, iyo xilliyadu ku kala geddisan yihiin; iyo siirada, akhlaaqda, caadooyinka, diimaha, madaahibta iyo xaaladaha kale. Waxa uu u baahan yahay in uu ogaado sida ay hadda yihiin uuna isbarbardhigo tagtada iyo taaganta: waxa ay wadaagaan iyo waxa ay ku kala weecdeen, uuna sababeeyo labadaba; Waa in uu dul istaago gundhigga dawladaha iyo diimaha, soo ifbaxoodii, sababihii dhaliyay ee jirsiiyay, cidda ka masuulka ah iyo warkoodii—si uu wacyi fiican ugu yeesho sababaha dhacdo kasta, iyo warku meesha uu ku aroorayo. Markaas warkii la soo tebiyay wuxuu u bandhigayaa qaacidooyinka iyo usuusha (tiirarka) uu haysto—haddii warku waafaqo uuna jidkoodii ku socdo wuu qaadanayaa, haddii kalana bug aan jirin ayaa uu ka soo qaadayaa waana uu ka kaaftoomayaa, ayuu yidhi Ibnu Khalduun.
Sababta uu Ibnu Khalduun arrimahan ugu adkaysanayaa waa in ay gundhig u yihiin qoridda taariikh tayo leh oo kaalintii looga baahnaa buuxisa. Waxa uu leeyahay taariikhdu waa tebinta warkii xilli ama jiil, ee arrimahan kale tilmaamiddoodu waxay saldhig u yihiin taariikhyahanka oo ku dhisanaya kuna kala miiraya wararka uu tebinayo.
In kasta oo uu manhaj fiican dejinayo, macnaheedu ma aha in aan Ibnu Khalduun qudhiisu mararka qaar ka leexan, waana eed loo soo jeediyo.
Qoridda taariikhdu waxay u baahan tahay baadhitaanka sidii wax u dhaceen, lafagurka xogtii la ururiyay, qiimaynteeda, iyo gorfaynteeda. Qoraaga ayaa laga rabaa in uu xogtii miidda ahayd isku shiilo ka dibna u dhigo qaab ay macne taariikheed ku samaynayso. Waxa ayna u baahan tahay faahfaahinta iyo fasiridda dhacdooyinka iyo xaqiiqooyinka qoraagu soo gudbinayo.
Baadhitaanku waxa uusan ka fursanayn su’aal iyo in qoraagu weydiin ka keeno sidii wax u dhaceen. Su’aashaas haddii uusan si qumman u qaabayn, waxa ay saamayn taban ku yeelanaysaa midhaha baadhitaanka iyo taariikhda uu qorayo. Su’aasha wanaagsanina waa aqoonta badhkeed.
حسن السؤال نصف العلم
Sidii imaam Zuhri sheegay, cilmigu waa khasnad ay furto su’aashu.
العلم خزانةٌ ومفاتيحُها السؤالُ
Qoraagu waxa uu u baahan yahay in uu su’aasha badiyo oo uu ku dabto xogta meelahaa ku kala firidhsan. Taariikhdeennu waxa ay ku kaydsan tahay maskaxda dadka oo kayd qoraal ah oo badani innooma yaallo. Sidaas awgeed, qoraaga Soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay in uu ku daydo Cabdullaahi ibnu Cabbaas RC. Markii la weydiiyay cilmigan badan sidee ayaad ku gaadhay waxa uu ku jawaabay: carrab su’aal badan iyo qalbi garasho badan.
قيل لابن عباس: أنى أصبت هذا العلم؟ قال: بلسان سؤول، وقلب عقول.
Maxaa dhacay? Maxay u dhaceen? Halkay ka dhaceen? Goormay dhaceen? Yaa sameeyay? Sidee ayay u dhacday? Sidee ayay u sameeyeen? Yaa la sameeyay? Yaa soo tebiyay? Tebiyuhu ma yahay dhexdhexaad mise dhinac buu u xaglinayaa? Ma yahay cid lagu kalsoonaan karo oo daacad ah? Maxay tahay ujeeddada ka dambaysa tebinta warkan? Goorma ayaa la soo tebiyay/ diiwaangaliyay?
Ilo wareed
Ilaha taariikhda laga xigto labo ayaa loo qaybin karaa: kuwo heerka koowaad ah oo asaas ah waxayna badanaa la waqti yihiin dhacdada, iyo kuwo heerka labaad ah oo ku dhisan kuwa hore. Warqado ay isdhaafsadeen Sayid Maxamed iyo Ingiriiskii waa heerka koowaad. Qoraal waraaqahaa ku saabsan oo buug ama meel kale aad ka heshaana waa heerka labaad. Labaduba waa muhiim, laakiin mar kasta waxaa qiime badan asalka. Tusaale kale, xusuusqorraddii Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waa heerka koowaad marka iyaga iyo wixii ay goobjoog u ahaayeen wax laga qorayo, laakiin buugga ama qoraalka soo xiganaya in la sii xigtaa waa heerka labaad, waxaana fiican in xigashada heerka labaad la barbardhigo asalka oo heerka koowaad loo noqdo.
Qof goobjoog ahaa inaad warka ka heshid iyo inuu kuu soo maro dhawr qof oo kala maqlay way kala duwan tahay wayna kala qiime badan tahay. Inaad wixii dhacay ka akhrido buug laga yaabo in qoraagu intuu rabay u doortay sabab uu isagu og yahay, iyo inaad xogtii asalka ahayd oo sideedii ah heshidna kala qiime badan. Sidaa awgeed, ku dedaal inaad asalka xogta ku dhowaatid mar kasta oo aad awooddid oo aad ka maarantid ciddii aadan ku qasbanayn inay kuu soo tebiso. Haddii aad buug ka akhrisid xog aad u baahan tahay, eeg meesha qoraagu ka soo xigtay oo raadso haddii aad heli kartid. Tusaale ahaan, haddii uu soo xigto qoraal ku saabsan Ingiriiskii Berbera degganaa oo uu yidhaahdo kaydka meel heblaayo ayuu ku jiraa, raadi asalkaa—waxaa laga yaabaa inaad ka heshid xog dheeraad ah oo aan cid kale kaaga horrayn. Taariikhda aad qoraysid inaad khabiir ku noqotid isku day. Inaad wax qortaa sheegasho ma ahee waa waxqabasho iyo hawl badan.
Qoraalka aad xiganaysid qiimee marka hore. Haddii beri hore la qoray, tusaale ahaan taariikhda Dabari, raadi dabcadda ugu tayada fiican ee si cilmiyaysan looga shaqeeyay. Maadaama gacanta lagu minguurin jiray, kutubtaa hore waxay leeyihiin nuskhado meelo ku kala duwan oo u baahan in la isu eego oo dabagal lagu sameeyo. Hawshaa waxaa la dhahaa taxqiiq, waana muhiim inaad raadsatid mid ay taxqiijiyeen dad aqoon leh oo lagu kalsoon yahay. Dabcad ganacsi oo qalad ka buuxo ka dheeroow intaad awooddid.
Waxaa muhiim ah in qoraagu aqoon u leeyahay tixraacyada uu adeegsanayo iyo manhajka ay ku salaysan yihiin. Waa in uu qiimeeyo mudnaantooda iyo qiimahooda aqooneed. Tixraacyada dad baa qoray, dadkuna ma aha kombuyuutar ee waxay leeyihiin adduun-arag, dano u gaar ah, iyo dhinac ay u jandheedhaan. Iska hubi wixii hirdan daneed iyo xaglin ku salaysan: taariikhyahan ku saamoobay ama u janjeedha gumeystihii Talyaani ama Ingiriis oo u xaglinaya, ciddii lid ku ahna aan heshiis la ahayn; mid lababadaa iyo ciddii raacday ka soo horjeeda; mid dano gaar ah leh oo hirdan daneed ku qasbayo inuu dhan u xagliyo ama waxa uu qorayo kaalintii uu ku lahaa u dhigaya qaab dantiisu ku jirto… iwm.
Xusuus
Wax badan oo taariikhdeenna ahi ma qorna ee waxay ku kaydsan tahay xusuusta dadka. Xusuustuna ma aha sidii qoraal aan isbeddelin ee waxay la falgashaa waaqaca; wax baa ka dhinma waxna inay ku darsamaan waa suuragal. Way yar yihiin dad 100% dhacdada sideedii u xusuusta, mar kasta oo waqtigu dheeraadana dhimaalkeedu wuu kordhaa.
Sidaas awgeed, waa lamahuraan in si fiican loo qiimeeyo xogta xusuusta ku dhisan, oo haddii la awoodo dhawr ilood laga raadiyo si la isu barbardhigo meelaha ay ka mid yihiin iyo meelaha ay ku kala duwan yihiin.
Baadhitaanka, lafagurka, gorfaynta, fasiridda, iyo faahfaahinta waxaa saamaynaya qoraaga iyo manhajka uu ka duulayo. Ma jirto taariikh diiwaangalisa wixii dhacayay saacad kasta iyo maalin kasta, ee waxyaalaha la soo gudbinayo xulashadooda waxaa ka dambeeya dooq iyo doorasho shakhsi—qoraaga. Qoraagu waa shakhsi leh adduun-arag iyo maanhag u janjeedhiya dhinac oo arrimaha qaar uga dhiga kuwo mudan diiwaangalin halka uu kuwo kale indhaha ka laalo. Sidaas awgeed, taariikhda la innoo soo gudbinayaa waa mid la soo naqeeyay oo qoraagii diiwaangaliyay ama ciddii soo tebisay ay qayb xulatay, arrimaha qaar muujisay, qaarna ka tagtay.
Rijard Beertan markii uu Soomaalida wax ka qorayay ee uu ka faalloonayay, waxa uu wax ku qiimaynayay oo uu ka qiyaas qaadanayay wixii uu yaqaannay iyo aragtidii uu ka aaminsanaa dadkan uu dhex joogo—inay yihiin ‘cawaan’ isaga iyo tolkii ka hooseeya. Sidaa oo kale, wixii loo sheegay iyo sidii wax loogu fasiray ayaa iyaguna saamayn ku leh waxa uu soo tebiyay.
Sidaas si la mid ah, Ibnu Fadlaan markii uu Baqdaad ka tagay ee reer Yurub dhex socday, waxa uu ku tilmaamayay dad ‘cawaan’ ah oo aan xishoon isaga oo ku qiimaynayay noloshiisii iyo mabaadii’diisii.
Haddaan eegno taariikhda Islaamka, waxaad arkaysaa qof u janjeedhay dhankii Mucaawiyah RC oo Cali RC iyo kooxdiisii xumaan ka sheegaya, iyo lidkiisa mid Shiicannimo lagu sheegayo oo saxaabadii kale intoodii badnayd aflagaaddaynaya. Si taas looga digtoonaado, waa muhiim in qoraagu uusan habeen madow xaabo gurasho aadin e, uu si fiican u kala garanayo ilaha uu warka ka soo xiganayo, qiimahooda cilmiyeed, kalsoonida lagu qabi karo waxa ay sheegayaan, iwm.
Taariikhdeenna in badan oo ka mid ahi waxay ku kaydsan tahay maanso. Xitaa adeegsigii ugu horreeyay ee magaca “Soomaali” ee kaydsan waxa uu ku jiraa hees Xabashiyeed. Laakiin qorayaasha Soomaaliyeed ee taariikhda wax ka qoray ma aysan siinnin booskii iyo qaddarintii ay lahayd ishan xogta muhiimka ah kaydisay. Taariikhda afka la isaga tebiyo uun baa badanaa suugaanta loo soo daliishadaa. Wax badan oo suugaan ahaan u kaydsan oo taariikh ah ayaan weli daboolka laga qaadine loo meeriyaa suugaan ahaan uun. Sida suugaantii Carbeed loogu adeegsado taariikhda Carabtii hore, ayay suugaanta Soomaaliyeedna kayd weyn ugu tahay sooyaalka Soomaalida.
Qoraaga Soomaaliyeed ee raba in uu taariikh Soomaaliyeed qoro, hawl badan ayaa sugaysa. Ilaa hadda qoraalladeenna taariikheed waxay u badan yihiin qoraal qabiileed ee kuwa heer qaran u gudba ayaa iska yar. Soddon sano ayaa ka soo wareegtay dagaalkii sokeeye welina lama hayo buug taariikheed oo si lagu qanci karo oo dhexdhexaad ah looga qoray wixii dhacay iyo sababtaba. Buug si waafi ah uga taariikheeyay xukuumadihii rayidka ahaa lama hayo. Buugaag taariikhihii jabhadaha ku saabsan oo lagu wada kalsoonaan karo lama hayo. Gumeysigii iyo halgankii gobonnimaddoonku ma dhaafaan cutubyo boobsiis ah oo korkaxaadis ah oo buug kale ku jira inta badan.
Buugaagta taariikhdu ma aha in ay noqdaan gabayadii reeruhu isugu faani jireen ee ku kala libin sheegan jireen. Si xun wax u sheeg sixir ka daran. Dadkeennu dakanooyin ayaa ay kala sheeganayaan, nabarro aan caafimaadin in la qodqodaana waa qalad. Wixii dhibaato keenaya ee bulshada dhaawacaya, xitaa haddii ay run yihiin, waa laga wanaagsan yahay in la qoro ama loo qoro qaab dhib keenaya. Qofka dadka isku dira isaga oo run sheegay ayaa uu haddana dambaabay, kan cid xantay isaga oo run sheegay ayaa uu dambaabay.
Wixii laga fursan waayo sheegiddooda, qaab aan xanaf lahayn ayaa loo dhigi karaa. Taariikhda qaar aan waqtigii faafinteeda ku habboonaa la gaadhin ayaa jirta.
Nebiga SCW ayaa mar uu ka hadlayay dhismaha Kacbada, waxa uu Caa’isha RC ku yidhi: haddii aysan tolkaa diinta ku cusbayn oo aysan dhowaan shirki ka soo bixin, Kacbada inta aan dumiyo oo dib u dhiso, ayaan albaabkeeda dhulka la simi lahaa, waxaanna u yeeli lahaa labo albaab: mid bari iyo mid galbeed; waxaanna ku dari lahaa Xijri Ismaaciilka oo Quraysh ay ka reebtay markii Kacbada oo duntay dib u dhisayeen.
Kacbada oo roob dumiyay ayay mushrikiintii Quraysheed dib u dhiseen, laakiin dhaqaale ku filan ma aysan haysan e, qayb ayay ka tageen, albaabkiina waa ay dheereeyeen si ay u maamulaan cidda gali karta. Nebigu SCW waxa uu leeyahay Kacbadu ma aha sidii Nebi Ibraahim CS u dhisay oo Quraysh baa beddeshay, laakiin inaan asalkeedii ku celiyo ma awoodo oo waxaan ka baqayaa inay ku fidnoobaan dadkii hadda soo Islaamay oo Kacbadu agtooda aad ugu weynayd.
Warkan waxaa maqlay Cabdullaahi Ibnu Subayr oo markii uu Makah maamulayay Kacbadii u dhisay sidii uu Nebigu SCW tilmaamay. Xajaay ayaa markii uu dilay ka dib Kacbadii dumiyay oo sidii hore ku celiyay. Amiir kale ayaa mar dambe weydiiyay Imaam Maalik in uu u dhisi karo sidii Nebigu SCW rabay, laakiin Imaamku wuu ka diiday isaga oo leh waxaan ka baqayaa inay Kacbadu noqoto wax marna amiir dhiso marna mid kale dumiyo e faraha ka qaad.
درء المفسدة مقدم على جلب المصالح
Dhibta oo la iska mooso ayaa ka horraysa soo dhoweysiga wanaagga.
Laf jabtay sideedii ma noqoto, waxyaalaha qaar haddii lagu adkaysto toosintoodana in ay kala daataan ayaa suuroowda.
“Adoo wax ka gows qabsaday,
Mar baa gefka loo liqaa
Inaan danta guud murkacan.”
—Gaarriye: Gurmad.