Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa ka hadlay siyaasiyiinta horjeedda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaasi oo dhan ku dhawaad 2000 kun ay doonayaan in ay dowladda caqabad ku noqdaan, qaarkoodna ay rabaan xilal.
Farmaajo ayaa siyaasiyiintii maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka hadlaayay oo ay ka mid yihiin Madaxweynaayashii ku meel gaadhka ahaa ee Soomaaliya ku tilmaamay kuwa xanaaqsan oo maamulkiisa kasoo horjeedda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in cabaqado oo weyn ay dowladda Soomaaliya kasoo wajaheen dalalka dariska la ah Soomaaliya, maamul goboleedyadda, Khaliijka Carabta iyo meelo kale.
Dowladda ayuu sheegay in ay dadaal badan ku bixisay in ay ka hortagto Khilaafaadka soo gala dhex gala Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo baarlaamanka.