Dowladda Itoobiya ayaa ciidammada militariga ku daabushay jaamacadaha ku yaal gobollada Amxaarada iyo Oromada si ay uga hortagaan qalalaasaha hareeyay jamacadahaasi.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay Sabtidii lasoo dhaafay rabshado ka dhaceen jaamacadda Woldiya ee ku taal gobolka Amxaarada, halkaasoo uu ka bilowday dagaal ku dhex maray qowmiyadaha qaar.
Rabshadahan ka dhacay jaamacada ayaa waxaa lagu dilay 2 ardey iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay 12 arday,waxaana la sheegay in rabshadaha ay ku faafeen jaamacado kale oo ku yaal Itoobiya.
Itoobiya ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayay rabshadaha u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee wada dego dalkaasi, waxaana xusid mudan in horraantii bishan uu maamulka Tigreega shaaciyay in ardeydooda aanan loo dir doonin jaamacadaha ku yaal gobolka Amxaarada.