القائمة الرئيسية

الصفحات

Al-shabaab oo sheegatay qaraxii Gaalkacyo iyo tirada dhimashada oo lashaaciyay


inta laxaqiijiyay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay Illaa lix ruux oo dad rayid iyo askar isugu jiray, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Gen. C/xamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha qeybta 21aad Gen. Qooje ayaa ka badbaaday qaraxa, waxaana xilliga qaraxa dhacayay ay ku sugnaayeen gudaha Hotelka.

General Cabdi Xamiid ayaa waxaa uu sheegay in weerar lagu soo qaaday Kolonyo uu la socday isaga iyo Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xooga dalka xili ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Hotel ku yaalla Gaalkacyo.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaasi.