Muxuu Wadaa Axmed karaash oo maanta ku soo wajahan Gobolka Gardafuu
Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa safar dhinaca hawada ku tagaya magaalada Caluula ee xarunta gobalka Gardafuu oo ay dadka deegaanku xaar-xaarteen garoon macmal ah oo ay doonayaan in ay ku helaan gargaarka caalamiga ah, ka dib markii ay go’een wadooyinkii gobalkaas soo gali jiray, mudo ka badan 30 maalmoodna aan waxba laga qaban.
Mid kamid ah duulimaadka diyaaradeed ee shirkad gaar loo leeyahay ayuu Madaxweyne kuxigeenka Puntland ku tagayaa magaalada Caluula, waxaana kooban sahayda ay wadaan oo u badan Daawo iyo waxyaabaha deg deg ah.
Ma jirto ilaa hadda mucaawimo la gaarsiin karro deegaanada oo dhan ay Puntland wado, balse gargaar ka yimi Hay’addaha caalamiga ah oo u badan daawooyin ayaa lafilayaa in uu maanta qeyb ka noqdo Madaxweyne kuxigeenku.
Puntland ayaa labo jeer magacowday guddiyo kala duwan oo iskugu jira wasiiro, Xildhibaano oo ay mar magacowday iyo Guddiga Culumada Diinta oo ay magacowday, labada guddiba waxay sameeyeen dadaalo kala duwan.
Guddiga dawladda ayaa waxba soo qabanin, marka laga reebo qeylo dhaan ay u direen Hay’addaha caalamiga ah, taas oo kaliftay in la helo kaalmo kooban oo ku wajahan xagga dawooyinka, iyadoo ay dadku baahi weyn u qabaan gargaar cunto.
Culumada ayaa isku geeyey lacago badan oo ay aruuriyeen, waxayna bilaabeen gurmadkooda in ay midaayaan oo ay gaaraan gobalka Gardafuu, iyagoo kulamo lacag aruurin ah ka sameeyey magaalada Boosaaso.
Shacabka gobalka ayaa shalay ka dalbaday dawladda Faderaalka Soomaaliya in ay lasoo gaarto gurmad deg deg ah, waxayna sheegeen in ay Puntland ku fashilantay arrimaha la xariira gargaar in ay siiso dadka talaabeysan.