gudoomiyhii hore ee degmada Qandala oo Bosaso lagu dilay
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in koox hubaysan ay ku dileen gudaha magaaladaasi gudoomiyhii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Maxamad Quurshe.
Dilkan ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn kaalin shidaal oo lagu magacaabo Alladii, waxaana xiliga uu dilku dhacayey la sheegay in uu kasoo baxay gudoomiye hore Maxamad Quurshe Hotel uu ka deganaa aagaasi oo ku yaala magaalada Boosaaso.
Ciidanka amaanka oo gaadhay goobta uu dilku ka dhacay ayaa la sheegay in ay hawlgalo ka sameeyey halkaasi, waxaana xusid mudan in goobtaasi ay iskaga baxsadeen ragii ka dambeeyey dilkiisa marxuunka.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal iyo weeraro lagu qaaday ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey sii xumaanayey amaanka magaalada Boosaaso oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni.