Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay wada hadal u socday madaxda Galmudug & Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ugu dambeyn heshiis lagu kala gaaray.
Waxa uu sheegay dhawaan inay soo bandhigi doonaan heshiiskaasi, balse hadda si horudhac ah u shaacinayaan xal buuxa in laga gaaray Khilaafkii taagnaa.
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, ayaa sheegay inay isla garteen Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi inuu ka soo qayb galo xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo aan la shaacin waqtiga ay dhaceyso.
Cali Ciid oo wareysigan siiyay Idaacada VOA, ayaa sheegay in Galmudug diyaar u tahay cid kasta oo wax ka tabanaysa Maamulka inay la hadlaan, dadkana ay heshiisiiyaan.
Inkastoo dhanka Xaaf aanan laga haynin wax war ah haddana Galmudug waxaa ka taagan Khilaaf u dhaxeeya Maamulkii hore & Maamulka cusub ee hadda jooga, balse lama oga inuu dhab yahay heshiiskaan & in kale.
Tan & markii la doortay Madaxweynaha Galmudug ee hadda jooga Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxaa Galmudug hareeyay khilaaf & dagaal ay la galeen Ciidankii Ahlu Sunna.