Madaxweynaha Galmudug Oo La Kulmay Hogaamiyaha Ahlu Sunna
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa la sheegayaa in la kulmay hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan.
Kulankan ayaa yimid kadib markii uu Hoggaamiyaha Ahlu Sunna uu sheegay inay tanaasuleen oo ururka Ahlu Sunna ka baxayo arrimaha Siyaasadda
Madaxweynaha Galmudug waxa uu ka mahadceliyay mowqifka cusub ee ururku uu qaatay.
Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Madaxda Galmudug.
Hase yeeshee,kulankan ayaan ka dhex muuqan Sheekh Maxamed Shaakir oo hore u sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.
Dagaal dhex maray ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada dowlada ayaa waxaa uu sabab u noqdey in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegaan Xarunta Inji oo aheyd fariisinka weyn ee hoggaanka Ahlusunna iyo hbkii iyo Ciidamadii Ahlusunna.