Waxaa xalay fiidkii lagu dhaawacay magaalada Bosaso mid ka mid ah nabadoonada gobolka Bari.
Nabadoonka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cali Sugulle.
Nabadoonka ayaa rasaastu ay ka haleeshay sdia al sheegay caloosha iyo feeraha.
Dhaawaca nabadoonka ayaa la sheegayaa in ay geysteen kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo nabadoonka jidka u galay xili uu ku sii jeeday hoyga uu ka degan yahay magaalada Bosaso
Weerarka lagu qaaday nabadoon Cabdullahi Cali Sugulle ayaa ka dhacay aaga afar Irdood.
Dhaawaca nabadoonka ayaa la geeyey mdi ah ka mid ah xarumaha caafimaadka, oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.
Amniga magaalada Bosaso ayaa ka duwan sidii hore ee looga bartay, waxaana isa soo taraya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada .