القائمة الرئيسية

الصفحات

Soo Xulista Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Baargaal Oo Gabagabo Maraysa



Guddiga loo xilsaarey dhismaha golaha deegaanka Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa wada dadaaladii ugu danbeeyay ay ku Soo dhamaystiri lahaayeen xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Degmada Baargaal

Guddiga ayaa sida soo shaacbaxaysa gacant ku haya badi 21 xubnood ee loogu tala galay inay ka mid noqdaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka balse ay ku hawlan yihiin sidii loo kala saari lahaa cidda u qalanta Jagadan iyo xal laga gaaro xubno khilaaf ka jiro.

Bulshada deegaanka ayaa niyad jab ku tilmaamay in xildhibaanadii golihii hore badankood ay Soo noqonaayaan meesha ay ayagu sugaayeen wajiyo cusub oo dardar galiya hawlaha maamulka Degmada iyo adeegyada Bulshada ayagoo ugu baaqaya wasaaradda arimaha Guddaha Puntland inay doorkeeda qaadato si loo Soo xulo xildhibaano shaqooyinka dawladaha hoose iyo maamulka si fiican u gudan Kara

Degmada Baargaal ayaa wali waxaa ka arimiya maamulkii iyo golihii deegaanka ee uu dhisay madaxwaynihii hore ee Puntland Dr. C/wali maxamed Cali gaas oo markaasi booqasho taarikhiya ku yimaaday Degmada Baargaal iyo dhamaan deegaanda Bariga Fog ee Puntland

Golaha deegaanka ee Degmada Baargaal ayaa ka kooban 21 xildhibaan oo ay odayaasha dhaqanku hab qabiil kusoo xulaan waxaana la rabaa Goluhu inuu gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah dadka degganka sida fayo-dhowrka, horumarinta iyo dhisidda kaabayaasha, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada amni iyo sidoo kale ilaalinta deegaanka arimaahaas oo uu golihii waqtigiisu dhamaaday ka gaabiyay

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari