Maraykanka oo ururuka caafimaadka aduunka ee WHO oo ku eedeeyay qarinta cudurka halista ah ee COVID-19 .
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in ay hakisay dowladdiisu maal gelintii ururuka caafimaadka aduunka ee WHO oo uu ku eedeeyay qarinta cudurka halista ah ee COVID-19 ee dalka Shiinaha ka hor inta uusan ku faafin caalamka oo dhan.
Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu amrayo maamulkiisa in la joojiyo lacagta Maraykanku uu siiyo hay’adda WHO, waxaana uu shaaca ka qaaday in dibu eegis ay ku samayn doonaan maamulista lacagihii ay ugu deeqi jireen WHO xiliyadii hore iyo qaabka ay u dabooshay cudurka Coronavirus oo ay kaga go’aan qaadan doonaan.
Mr Trump ayaa sheegay in WHO ay ka tagtay daah furnaanta caafimaad taasina ay kordhisay faafitaanka cudurka Coronavirus oo haatan Maraykanka dhibaato ku haya.
Maraykanka ayaa dalka lacagta ugu badan ugu deeqa hay’adda WHO, waxaana sanadkii tagay uu bixiyey 400 oo Milyan oo Dollar halka dowladda China ay ka bixisay 44 Milyan oo Dollar.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay eegi doonaan halka lacagtaasi ay aadi jireen isla markaasna ay WHO samay jirtay.
“Iyada oo COVID-19 uu si caalami ah u faafayo, waxaan aad uga walaacsan nahay in deeqsinimada Maraykanka loo adeegsanayo sida ugu wanaagsan” ayuu yidhi Trump.
Trump ayaa todobaadkii tagay weerar ku qaaday agaasimaha WHO Tedros Adhanom, isaga oo sheegay in WHO ay u muuqato in ay u eexanayso dalka China isla markaasna dowladdiisu ay eegi doonto in ay ka joojiso maal galinta.
Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaasi, waxaana uu ku eedeeyay WHO inay ku caawiso Shiinaha inay qariyaan xogta rasmiga ah