القائمة الرئيسية

الصفحات

Puntland oo dacwad kusoo oogaysa sheekh CabdulXaq rusheeye



Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay dacwad kusoo oogi doonto wadaadka lagu magacaabi Sheekh Cabdulxaq oo kumagac dheere Sheekh Rusheeye, kaas oo dhawaan ka sheegay magaalada Garoowe in uu daawo u yahay Cudurka Dunida aafeeyey ee Corone-Virus.

Wasaaradda Cadaaladda ee Puntland ayaa sheegtay in ay Xukuumaddu soo gudbisay Gal-dacwadeed ka dhan ah Wadaadkaas oo ay sheegtay in uu sameeyey marin habaabin ku sabsan Xanuunkan, isagoo sheegay in uu daawadiisa hayo, ayna tasi ahayd been abuur.


Muuqal lagu wadaagay baraha bulshada maalmo kahor ayaa wadaadkan uu ku sheegay in Quraanka Kariimka oo kaliya uu yahay daawada la hubo, isla markaasna uu iyada ku daweynayo Cudurkan, waxaana uu malin ka dib sheegay in uu jiro qof Quraanka akhristay oo ka bogsaday xanuunkan.

Ka sokow in uu Quraanku yahay daawada kaliya ee qalbiga iyo qofka Bini aadamka ee la hubo, haddana ma jiraan wax xog baaris dheeraad ah oo wadaadkan uu ku sifeeyey warkiisa, marka laga reebo hadaladiisa oo ay ku dhex jireen waxyabo kala duwan.

Puntland ayaa sheegtay in ay ka codsatay in Xeer Ilaalintu dacwad kusoo oogto Wadaadkan oo hadda la sheegay in uu ka guuray Puntland, waxaana maalmihii u dambeeyey lagu wadaagay baraha bulshada baabuur ay ka muuqdaan Sawiradda wadaadkan oo kasii baxaya deegaanada Puntland.


Wasaaradda Cadaaladda Puntland ayaa cadeysay in wadaadkan uu garab-maray hanaanka la dagaalanka Cudurkan, dadkana uu u sheegay in u Cashar siinayo sidaasna ay uga bogsanayaan Xanuunkan, tas oo ay sheegtay in aysan meelna kaga jirin ilaa hadda tabaha ama wadiiqooyinka lagula dagaalamayo xanuunkan.