Tuulo ku taal dalka Indonesia ayaa lagu soo waramayaa shacabka ku nool iney iskood u billaabeen iney u xirtaan dhar dadka cabsi gelinaya si ay dadka ugu soo dhawaaan, oo ay u meel mariyaan talada caafimaadka ee kala fogaanshaha taasoy uga gol leeyihiin ka hortagga Covid-19.
Tuulada Kepuh ee ku taalla jasiiradda Java ee dalka Induniisiya waxaa xilliyada habeenka ka howlgala ciidamada waddooyinka gaaf wareegga oo la socda dhaqdhaqaaqa dadka.
Sida uu dhigayo dhaqanka dalka Indunisia labbiska cabsida leh ee dalkaasi looga yaqaanno “Pocong” waxay ku matalaan qofka xiran inuu jin u ekaaday.
Sida ay sheegeyso xogta ka soo baxeysa Jaamacadda Johns Hopkinsa dalka Induniisiya ilaa iyo hadda waxaa xanuunka Coronavirus laga helay 4,500 oo qof, iyada oo cudurkana ay u dhinteen 400 oo qof.
Dhinaca kale wararku waxay sheegayaan in aad looga cabsi qabo tirada rasmiga ee saameynta cudurka uu dalka Induniisiya iu geystay n sida la sheegayo ay ka khatar badan tahay.
Qaar ka mid ah shaqaalaha ah wakaaladda wararka ee Reuters oo booqday goobaha ‘Pocong’ uu ka dhaqan galay waxay sheegeen, xeeladaha aan loo baran ee loo isticmaalayo iyo sameynta uu ku yeelan karo dadka si iskood ah isugu dayaya iney isticmaalaan ay kala duwan yihiin.
Xigasho : Bbc