Waxaa saaka la daah furay Dhismaha wadoyinka Gobolka Gardafuu gaar ahaan Wadooyinka Magaalada Baargaal, Wadada Jid Gumaayo Iyo Wadada Degmada Gumbax.
Wasaarada Hoowlaha Guud e Puntland Maamulka Dagmada Baargaal, Issimo, Samofalle Mohamed Yusuf Tigey, Dhalinyarada iyo Haweenka ayaa si wada jir ah u bilaabay Dhismaha Wadooyinka Baargaal so gala o Roobabku wax go'yeen.
Dadka deegaanka ayaa arinkaan ka mahad celiyay Dowlada Puntland ugu baaqay in aay gobolkaan so gaarto waxna ka qabato dhibaatooyinka Gardafuu ka jira gaar ahaan Wadooyinka.