القائمة الرئيسية

الصفحات

Guddoonka Baarlamaanka Somaliya oo loo gudbiyay Mooshin


Iyadoo xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho uu ka socdo kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya, ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Shir Guddoominaayo kulankaasi waxaa loo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin 132 Xildhibaan.

Mooshinka ayaa la xiriira in kuraasta Xildhibaanada haweenka ay ku leeyihiin labada Golle ee Baarlamaanka ay ku tartamaan doorashada soo socota keliya haween si loo xaqiijiyo qoondada haweenka isla markaana aan la isku darin kuraasta haweenka iyo ragfa ee labada Golle ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqrisay Mooshinka ay gudbiyeen.

Haweenka Xildhibaanada ee labada Gole ku jira ataa doonaya Kuraasta ay ku leeyihiin Baarlamaanka inay kaligood ku tartamaan oo aysan dhicin hal Kursi inay ku wada tartamaan Rag & dumar.

Kulanka Golaha Shacabka oo Villa Hargeisa ka socda ayaa waxaa xaadir ah oo Kooramka uu ku furmay 156 Xildhibaan, waxaana Ajandaha uu yahay ka doodista qoondada haweenka ee Siyaasadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee hadda Kuraasta ku fadhiya ayaa xusul duub adag ugu jira sidii mid kasta uu dib ugu soo laaban lahaa Xilka uu haayo, waxaana socda abaabulka olole xoog leh oo Xildhibaanada ay wadaan.