Heshiis lagu gaaray Shirkii Jabuuti iyo qodobadii la isku hayay oo guddi gaar loo saaray
Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in Guddigii Farsamo ee kala matalayay Soomaaliya iyo Somaliland ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay wada hadalka u socday ayaa ugu dambeyn heshiis kala saxiixday.
Dowladda Jabuuti oo shirkan martigelineysay ayaa Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yusuf uu ku guuleystay in mar kale uu isu keeno labada dhinac, kaddib markii dhinaca Somaliland Guddigii matalayay ay isaga baxeen shirka.
Qodob ka mid ah war murtiyeedka oo la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn suura gashay in la xaliyo, taasoo keentay in shirka dib ugu soo laabtaan dhinacii matalayay Somaliland.
Guddiga Somaliland ayaa diiday inay wax tanaasul ah ka sameeyaan qodobkii Guddiga Soomaaliya ka socday ku soo dareen ee ahaa Xoriyadda isu socodka dadka labada dhinac, waxaana markii dambe qodobkaas loo saaray guddi gaar ah.
Wararka ayaa hseegaya in war murtiyeedka oo rasmi ah goor dhow la soo saari doona, iyadoo wax ka bedel lagu sameyn doono war murtiyeed hore diyaarsanaa oo ku jiray qodob ay diidaneyd Somaliland Xoriyadda isu socodka dadka labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in heshiis lagu gaaray wadahadalkii u socday Guddiyada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Guddiyada labada dhinac ayaa waxaa u kala saxiixay heshiiska Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yaasiin Faratoon.