Madaxtooyadda dalka Jabuuti ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay Shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwaasi oo Maanta gaaray halkaas.
Shirka ayaa waxaa shir Guddoominaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo gelinkii dambe ee shalay sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi uu kulan sii doono.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirkaas looga hadlayo Arrimo kala duwan oo ku aadan Wada-hadalka Soomaaliya iyo Somalilad, waxaana lasoo werinayaa in kulanka uu yahay mid ay Albaabada u xiran yihiin.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku Casuumay, isla markaana goobjoog uu ka noqon doono inta uu socdo shirka.
Sawirro laga helay Shirka ayaa waxaa kasoo muuqday Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Geelle, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xubno kale.