القائمة الرئيسية

الصفحات

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay Shirka Dhuusa-Marreeb, fariin u dirtay Madaxda shirsan.


Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay wada hadalada kasocda magaalada Dhuusa-Marreeb ee uu shir gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya, uuna la leeyahay madaxda dawlad gobaleedyada oo ay uga wada hadlayaan arrimaha mudnaanta leh ee waqtigan, gaar ahaana doorashooyinka.

Waxay sheegeen in ay muhiim tahay in waqtigan ay wada hadalo dhinacyadu ka yeeshaan arrimaha muhiimka ah ee dalka, loona baahan yahay in wadajir looga gudbo.

Beesha Caalamka ayaa bishii hore taageertay soo jeedintii Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya, taas oo soo jeedisay in ay labo nooc doorasho qaban karto, isla markaasna ay doonayso in qof kasta codkiisa dhiibto.

Hadda Qaramada Midowbay ayaa dhinacyada ku dhiirigalisay muhiimadda ay leedahay tanaasulka & in wax wanaagsan ka soo baxaan shirka.