Daawo : Muxaa RW Kheyre xilka looga qaaday, Yaase ka dambeeyey?
Xassan Cali Kheyre, Aqoon badan looma laheyn ka hor 23 Feb 2017, Aroornimo hore oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay wasiirka koowad ee Xukuumadda Federaalka.
Dad kooban oo yaqaanay waxay ku sifeeyeen xiligaas in uu ahaa nin aan siyaasada saameyn badan ku laheyn, marka laga reebo in uu saaxiib dhaw la ahaa Madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud, uuna noqday loolankii 2017 madaxa ole-olihiisa, si aan ogeysiin hore laheyn uga siibtay maalmihii ugu adkaa ee loolanka.
Sidas oo kale, Xassan Sheekh ayaa u sharaxay in uu noqdo Xoghayaha guud ee Urur gobaleedka IGAD, waxaa kasii horeeyey in magaciisu kusoo baxay Guddiga la socodka Xayiraadda Hubka ee QM oo ku eedeeyey shirkada SOMGAS oo saami kulahaa wax isdaba marin baahsan, taas oo kaliftay guuldaradii IGAD.
Mr, Kheyre sadex sanno iyo 5 bilood oo uu soo ahaa wasiirka koowaad ee Xukuumadda Faderaalka una shaqeeya si faragalin la’aan ah, sii joogitaankiisa xaafiiska ayay maanta soo afjaren golaha baarlamanka oo 170 Xildhiban ay codka kalsoonida kala laabteen, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka.
Wuxuu noqday Raysalwasaarihii ugu waqtiga dheeraa haddana saacado gudahood codka kalsoonida looga qaado.
Qaar kamid ah xildhibaanada wasiirada ah ee codka kalsoonida lagala laabtay ayaan soo dhaweyn natiijada, waxayna golaha dhexdiisa ka sameeyeen buuq ay ku diideen in fadhigu furmo, shir jaraa’id oo ay qabteen qaarkoodna waxay sheegeen in aysan sax aheyn.
Ilo aad ugu dhaw, Xassan Cali Kheyre waxay xaqiijiyeen in uu wax badan kala socday qorshahan, isla markasna si rasmi ah loogu wargaliyey xalay in uu isku diyaariyo natiijada fadhiga baarlamaanka, tas oo kaliftay in uu si deg deg ah kuso gaaro Muqdisho, laakiin Xildhibaanadu uguma simin.
Maalmo kahor hoggaamiyayaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku shiray Dhuusa-Marreeb, Dawlad gobaleedyadii ugu adkaa ee khilaafku kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo kala waramay, khilaafkuna meesha ka baxay, taasi waxay muujisay in dagaalka siyaasiga ah kusoo laabtay gudaha Villa Soomaaliya, ugu damben-na wuxuu salfaday RW Kheyre.
Dadka saadaaliya siyaasadda ayaa rumeysan in aysan maalmahan waxba ka duwaneyn kuwii horey u dhacay waqtiyadii Dawladdii hore, balse taan oo ay doorashadu dhaw-dahay ay tahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu gaari karro.
Guddoonka baarlamaanka Faderaalka ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha la ceyriyey & Xukuumadiisu ku guuldareysteen u hogaansanka sharuucda dalka iyo shaqadii loo igmaday, ayan 3 sanno iyo dheerad waxba hal abuur shaqo ah la imaan wayeen.
Mudo xileedka Hay’addaha dawladda, gaar ahaana baarlamaanka & Madaxtooyada gabaabsi ah, waxaana lwajahayaa waqti doorasho oo ay siyasiintu dalbanayaan in aan dib loo dhigi Karin, horeyna u sheegay Madaxweyne Farmaajo in aan dib loo dhigi doonin, sida lagu sheegay warsaxafadeedkii u dambeeyey ee Dhuusa-Mareeb.
Kheyre, waxaa lagu xasuusan doonaa khudbado diyaarsan oo uu jeedin jiray, Hanaanka deyn-cafinta, Diwaangalinta ciidamada iyo eedaha la xariira fashilka Xukuumadiisa ee Tubta Doorashooyinka oo kamid ahayd arrimaha 2 sanno kahor uu balan-qaaday in la qabanayo.
Madaxweyne Farmaajo, waxaa laga sugaya magacaabida Raysalwasaare kasbada taageerada dawlad gobaleedyada, mucaaradka Ururada siyaasadeed ah iyo Shacabkaba, kaas oo ay horyaalaan shaqooyin balaaran oo ku wajahan arrimaha dalka.