القائمة الرئيسية

الصفحات

DG DEG: Guddoomiye Mursal oo shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday Ra’iisul wasaare Khayre



Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday ra’iisul wasaraaha Somalia, Xasan Cali Khayre.

Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inay xukuumadda kalsoonida kala noqddeen illaa 170 mudane, ayna diideen siddeed xildhibaan, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka aamusta.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si loo dardar-geliyo howlgaha laga sugayo xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda inay fashilantay, doorashooyinka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka