Waxa ay Cabasho balaaran ka soo yeeraysaa kaluumaysatada Xeebedka Puntland oo xiligan Faro Kulul ay ku Hayaan Marakiib Shi-sheeyey oo qalabkoodii ay Ku shaqaysanayeen SI joogta ah ugu burburiya
Waxaana laashleeyda xilligan ka shaqaysta xeebaha ay warbaahinta u sheegeen in xeebahaasi ay soo galeen Boqalaal Doomo iyo Maraakiib ah, Kuwaas si joogta ah dhibaatooyin ugu geysta Dadka kaluumaysata ah ee ka shaqaysta xeebaha gobolada Puntland gaar ahaan Gobolada Gardafuu , Bari iyo Karkaar .
Mid kamid ah kaluumaysatadaas Waxuu ka sheekeyay Dhibaatooyinka ay la kulmaan , Oo ay ugu badantahay inan fursad la siin ay ku kaluumeystaan, Mararka Qaarna Laga burburiyo Agabkooda Kaluumeysiga, sida dhawaan ka dhacday xeebaha Degmada Baargaal oo laash dhamaan agabkii uu KU hawlgalaayay la jaray markii uu aaday si uu u raadsadana rasaas lala dhacay Oo la Soo burburiyay laashkii baadigoobaayay qalabkii iyo shabaagihii la jaray
Kaluumaysatada Ayaa Baaq u Diray Dawalada Puntland oo uu Hogaamiyo Madaxwayne siciid C/laahi Deni in ay Arintan SI Degdeg ah wax uga qabtan.