Mareykanka ayaa iibsaday inta badan dawooyinka cudurka corona ee dunida yaalla, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn caalamka, oo uu ka mid yahay wargeyska “The Guardian”
Warkan oo ay sidoo kale qoreen New York Post, Al Jazeera iyo Sky News ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay qaadatay guud ahaan dawooyinkii Remdesivir ee laga heli karay dunida saddexda bilood ee soo socota.
Dawada remdesivir waxay ka mid tahay labo dawo oo ilaa hadda la xaqiijiyay inay la dagaallami karaan cudurka dilaaga ah ee Covid-19
Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo (HHS) ayaa Isniintii shaacisay inay gacanta kusoo dhigtay in ka badan 500,000 oo dawada remdesivir ah, taasoo ay kala wareegtay shirkadda dawooyinka sameysa ee lagu magacaabo Gilead.
140,000 oo xabo oo ka mid ah dawadaas ayaa horay loo soo saaray waana la wada iibiyay.
Dawadan oo ah midda koowaad ee la isku waafaqay inay daweyneyo coronavirus ayaa waxaa soo saarta shirkadda Gilead oo kaliya.
Waxay intaas ku dartay in dawadan la wada geynayo isbitaallada Mareykanka ilaa bisha September.