القائمة الرئيسية

الصفحات

Yaman : Kulan looga hadlayey habka dajinta iyo diridda doonyaha Soomaaliya ka yimaada .


Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha  Gobolka Hadramout korneel Salem Cawad Al-Nimri, Ayaa maanta xafiiskiisa , Ku yaal  Mukalla kula kulmay Gudoomiyaha guddiga kalluumeysiga ee badda carabta, Eng. Yaslam Bablghoum, iyo wakiilo ka kala socda  laamaha amaanka iyo caafimaadka gobolada xeebaha,  si ay uga wada hadlaan farsamooyinka ay  ugu Soo xiranaayaan ama uga baxaayaan Doonyaha  biyaha Soomaaliya ka yimaada.

Qabashada kulankan ayaa ku soo beegmaya Soo jeedinta Barasaabka  Hadhramaut, Gaashaanle Sare Faraj Salmin Al-Baxsani, Oo ka jawaabaayo  farriinta ay u soo gudbisay Wakaaladda Kalluumaysiga ee Badda Carbeed oo la xiriirtay  kalluun yaraan  meelaha laga dejiyo kalluunka iyo qiimahooda oo Sarakac ku yimi

Kulankan ayaa looga wada hadlay habka lagu dajin lahaa doonyo iyada oo la qaadayo talaabooyin taxaddar ah oo feejignaan ah oo lagula dagaallamayo caabuqa Corona SI looga ilaaliyo caabuqa  shaqaalaha xarumaha dajinta kaluunka  iyo ciidamada ilaalada xeebaha iyo bulshada kalluumeysatada.

Intii kulanku socday, waxaan dib u eegis lagu sameeyay dhamaan talaabooyinka  taxadarka ah ee ay tahay in la qaado haddii ay dhacdo in xarumaha soo caga-dhigashada ay Soo gaaraan Doonyo.

Kulanku wuxuu oggolaaday soo-jeedinta ay soo gudbiyeen mas'uuliyiinta ee ku saabsan soo xirashada iyo tegitaanka doonyaha biyaha ay wadaagaan yaman iyo Soomaaliya  in loo lagudbiyo Guddiga Sare ee Degdegga ah ee ka hortaga Corona Virus ee Hadramout iyadoo Oo oggolaanasho ama  diidmo laga siinaayo, sida ku xusan Sharci gaar ah oo lagu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.