القائمة الرئيسية

الصفحات

Arday Soomaali ah oo lagu xiray Suudaan oo .....


Dhalinyaradani Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Khaartuum ee caasimada dalka Suudaan ayaa ciidamada amaanka dalkaasi kala kulmay xarig, kadib markii ciidamadu ay lasoo qabteen dad samaynayey banaan baxyo balse iyagu aanay wax lug ah ku lahayn.

Masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ka jawaabayey talaabadaasi ayaa saraakiisha laamaha amaanka dalkaasi kala hadlay sidii xoriyadooda dib loogu soo celin lahaa dhalinyaradaasi oo kamid ah ardayda wax ka baratay dalkaasi, taas oo ugu dambayntii lagu guuleystay.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa faah faahiyey sababaha ka dambeeya xarigooda iyo sida ay kusoo daayeen.

Safaaraddu waxay ku guulaysatay in ay xabsiga kasoo deeyso maalinkii ciida ahayd 10 kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee Suudan, kuwaas oo ay xireen Booliska Suudaan iyagoo salaadii cida kasoo baxay.

“Anagoo mar walabo u adeeygeyna muwaadiniinta ayaa waxaan ku boorineeynaa Jaaliyadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ardeyda in ay ka fogaadaan meelaha ay Rabshadaha ka jiraan.” ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Sababaha keenay xarigooda ayuu ku tilmamaaya danjire Maxamed Sheekh Isxaaq in ay tahay kadib markii halkaasi ay ka dhaceen rabshado ay sameeynayeen bulshooyin kale, balse dhalinyarada Soomaaliyeed si kama ah loo xiray iyadoo dadaal kadib safaaraddu ay sii daysay dadkaasi.