Waxaa xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu daahfuraayay Ururka naafada Degmada Baargaal waxaana ujeedka aasaaska ururku yahay helida tirade saxda ah ee dadka baahiyaha gaarka qaba iyo sidii daryeel loogu raadin lahaa
Munaasibada ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta degmada oo uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Degmada Baargaal mudane cabbane caynab muuse , salaadiin , cuqaal iyo tiro kamid ah dadka Baahiyaha Gaarka qaba ee Degmada ku sugan
Intii munaasibada Ay socotay ayaa la shaaciyay Gudoomiha Ururka Naafada Degmada Baargaal oo loo doortay liibaan xuseen barre
Masuuliyiintii ka oo qayb gashay Munaasibada Ayaa aad U soo dhaweeyay Talaabadan ayagoo sheegay in dadka baahiyaha gaarka ah ay bulshada kamid yihiin una baahanyihiin madal kulmisa oo baahiyahooda soo bandhigta iyo siday doorkooda uga qayb qaadanlahaayeen Horumarinta Deegaanka