gudoomiyaha gobolka Gardafuu mudane muuse saalax guuleed oo uu weheliyo gudoomiyaha degmada Baargaal C/raxmaan Caynab Muuse ayaa booqasho ku tagay saldhiga Police-ka Degmada Baargaal Oo Maamulka iyo bulshada Degmada bilaabeen in SI iskaa wax u qabso ah ku dhistaan Oo u dayactirtaan
Gudomiyaha Gobolka Gardafuu iyo Gudoomiyaha degmada Baargaal Ayaa kormeerkoodan u kuurgalayay Xaalada saldhiga degmada iyo baahiyaha ka jira ee u baahan wax ka qabashada
Intii wafdigani ay kormeerkan ku jireen waxay warbixino kala duwan ka dhagaysteen Taliyaha Saldhiga Taliye Muumin abshir Xasan , waxayna booqdeen qaybaha saldhiga ka kooban yahay iyo halka ay marayso shaqadii DHISMAHA iyo dayactirka Saldhiga
Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa wuxuu masuuliyiinta Degmada baargaal kala hadlay sidii ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd iyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo baahiyaha ay soo gudbiyeen iyo sidii gobolku uga Qayb qaadan lahaa Dhismaha iyo Dayactirka Saldhiga oo si iska wax uqabso ah la wado dhowaan in lagu dhiso laguna dayactiro
Gudoomiyaha gobolka gardafuu ayaa sheegay inay ka maamul gobol ahaan ay diyaar uyihiin in ay ka qayb qaatan dayactirka iyo dhismaha saldhiga degmada bargaal
Gudoomiyaha Degmada Baargaal Ayaa ka dhawaajiyay in Maamulka iyo bulshawaynta Baargaal ay ka goantahay inay dhistaan Oo dayactirtaan Saldhiga oo muhiim u ah dawladnimada iyo maamulkooda Oo Susan KU daawan Karin dayaca iyo burburka ka muuqda asagoo sheegay inay sugaayaan dawrkii Puntland Oo ka Ballan qaaday inay kala Qayb qaadan doonto Dhismaha saldhiga
Halkan ka Daawo gudoomiyaha Oo ka warbixinaaya