القائمة الرئيسية

الصفحات

Maxay yihiin 4 ta shardi ee DF Soomaaliya ku xirtay keenista qaadka Kenya?


Tan & wixii ka dambeeyay markii dowladda Somaliya ay joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa sababo la xiriiro Covid-19, isalmarkaana dib loo furay duulimaadka ayaa wali waxaa hakad ku jira diyaaradihii qaadka keeni jiray gudaha Somaliya, kuwaasi oo aanan soo cagadhigan Garoomada jaadka ee dalka.


Warbaahinta ka waranta arrimaha ganacsiga ayaa soo bandhigtay Shuruudo ay sheegtay in dowladda Federalka Somaliya ay ku xirtay keenista qaadka, islamarkaana Shuruudahaasi loo gudbiyay Ganacsatada qaadka Kenya oo Guddi ka socda ay dhawaan yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Wargeyska ka hadlay arrimaha ganacsiga Bussines Daily ayaa soo bandhigay Shuruudo kala duwan oo sida uu sheegay dowladda Somaliya ay u gudbisay Kenya, islamarkaana Shuruudahaasi loo dhiibay Guddigii ka socday ganacsatada qaadka ee dalka Kenya.

Shuruudahaasi waxaa ka mid ah

1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed.

2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya
3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah.

4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya.

Guddoomiyaha iskaashatada khaadka degaanka Nyabene Kmathi Nyabene ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday dalabkii codsiga ahaa, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in uu xaliyo khilaafkaan diplumaasiyadeed ee hakadka geliyay Ganacsigooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Canshuur kordhin ku sameysay jaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya,isla markaana halkii kiilo lagu Canshuurayo 5 Dollar ayna aqbaleen, hayeeshee uu sheegay in weli caqabado dhowr ah ay ka heystaan in xayiraada aag qaado qadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka