القائمة الرئيسية

الصفحات

Axmed Madoobe iyo Deni oo shuruud cusub ku xiray la kulanka madaxweyne Farmaajo



Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid c/laahi Deni ayaa shuruud cusub ku xiray kulankii la filayey inay la qaataan madaxweynaha jamhuuriyadaSjamhuuriyada fedraalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen warbaahinta, labada Madaxweyne ayaa sheegay in aysan kulan la qaadan doonin madaxweyne Farmaajo haddii aysan kulanka qeyb ka aheyn madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Labada madaxweyne ayaa si cad ugu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uusan kulankaas dhici karin haddii aysan qeyb ka noqoneyn madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horey uga qeyb galay saxiixa Shirkii Dhuusamareeb 3 maadaama ay doonayaan in qodobadii laga soo saaray wax laga badalo.

Go’aankaan cusub oo ay qaateen Axmed Madoobe iyo Deni ayaa laga yaabaa inuu dib usii dhigo kulankii la filayey inay la qaateen madaxweyne Farmaajo si looga wada heshiiyo qaabka ay noqoneyso doorashada dalka ka dhici doonto.

Kulankaan ayaa Xalay horey u baaqday kadib markii ay shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay.