Cali Baaba iyo afartankii tuug (Sheeko)
Bari ayaa waxa jiri jiray laba nin oo walaalo ahayd. Mid waxaa la dhihi jiray Cali Baaba, midna Qaasim. Aabahood wuxuu ahaa nin taajir ah. Wuxuu uga dhintay hanti badan oo isugu jirtay mood iyo noolba. Qasriyo, lacag, fardo, dahab iyo maal kale oo aad u tiro badan ayey ka dhaxleen aabahood.
Qaasim wuxuu ahaa nin qallafsan, naxariis daran oo iimaan la’. Kaligii ayaa qaatay dhammaan hantidii uu ka tagay aabahood; waxbana kama siin walaalkii Cali Baaba. Hantidii ayuu ku tamashlayn jiray, Cali iyo reerkiisa oo baahi la il daran.
Cali Baaba wuxuu noqday nin faqiir ah maadaama oo dhaxalkii aabihii laga qadiyey, waxaana u joogay caruur badan iyo waliba hooyadood. Wuxuu ka shaqaysan jiray xaabada wuxuuna ku soo guri jiray dameer uu lahaa. Xaabada ayuu iibin jiray kadibna wixii uga soo baxa ayuu reerkiisa ku biili jiray. Qaasim wuu arkayey faqriga haysta walaalkii balse jiidh naxa kuma oollin.
Maalin ayuu Cali Baaba fuulay dameerkiisii caata ahaa wuxuuna aaday kaynta si uu u soo guro xaabo uu suuqa ka iibiyo si uu reerkiisa raashin ugu soo iibiyo. Markuu marayo meel buur agteed ah ayuu maqlay xiin iyo gurdan badan oo yeedhaya. Aad ayuu u cabsaday. Intuu dameerkii geed xidh ah dhexdii ku xidhay ayuu isna geed caleen badan oo u dhawaa koray oo ku dhex dhuuntay. Wuxuu eegay dhinaca gurdanku ka yeedhayey. Wuxuu arkay afartan nin oo ladnaani ka muuqato oo si qurux badan u labbisan oo saran afartan faras oo wada qoodh ah oo wada shilis. Nimanku waxay ahaayeen tuug. Waxaa u saarnaa fardaha jawaanno ay ku wateen hanti ay soo dhaceen oo ahayd dahab iyo dheeman.
Tuugtii waxay yimaadeen buurtii salkeeda. Hoggaankoodii ayaa hor istaagay dhagax wayn oo sallax ah oo ku yaallay buurta gunteeda wuxuuna ku dhawaaqay cod dheer oo yidhi “sinsineey fur”. Dhagaxii ayaa dhinac u dhaqaaqay mise waaba god wayn oo ay ka buuxaan dahab iyo dheeman. Afartankii tuug iyo fardihii ay wateen waxay wada galeen godkii, alaabtii ayeyna ka dajiyeen. Intaas oo dhan Cali Baaba wuu arkayey wuuna maqlayey waxa ay samaynayaan.
Markii ay alaabtii wada rogeen ayey ka soo dareereen godkii. Hoggaankii tuugta ayaa hor joogsaday dhagaxii oo ku dhawaaqay si cod dheer “sinsineey xidh” kadibna dhagaxii ayaa isku xidhay godkii tuugtiina waxay u noqdeen meeshii ay ka yimaadeen.
Cali Baaba oo arkayey hantida ku jirtay godka helayna furihiisii ayaa sugay intay tuugtu ka libdhayeen. Kolkay qarsoomeen ayuu soo dagay oo dameerkii soo kexeeyey oo yimid buurtii. Dhagaxii ayuu hor joogsaday wuxuuna ku dhawaaqay furihii “sinsineey fur”. Dhagaxii ayaa ka dhaqaaqay irriddii godka. Cali Baaba intuu dameerkii geed dibadda ah ku xidhay ayuu galay godkii asagoo wata jawaan.
Wuxuu ku indho diraandiray wixii adduun meesha yaallay asagoo xusuusnaa faqrigiisa. Hadba dhinac ayuu eegay mise maxaa meesha wadhan. Ma dahabaa, ma dheeman baa, ma lacag baa. Waxaa isugu yimid fajac, amakaag iyo af kala qaad. Indhahiisa ayuu rumaysan waayey wuxuuna mooday inuu riyoonayo markaasuu indhaha iska masaxay mise waa dhab waxa uu arkayaa.
Asagoo ka baqayey in tuugtii ku soo noqdaan ayuu si degdeg ah u gurtay dhammaan wixii jawaankiisa iyo jeebadihiisuba qaadi kareen ee macdan iyo aduun meesha yaallay ka dibna degdeg ayuu uga baxay godkii. Markuu dibadda yimid ayuu hor istaagay dhagaxii markaas buu ku dhawaaqay furihii godka ee ahaa “sinsineey xidh”. Dhagaxii ayaa ku dhaqaaqay godkii iskuna xidhay.
Cali Baaba durba jawaankii ayuu saaray dameerkii isna dusha ayuu kaga booday ka dibna wuu dhaqaajiyey. Dhexda markuu sii marayey ayuu xaabo ku raray dameerkii si uu uga qariyo dadka jawaanka alaabta ugu jirta.
Gurigiisii ayuu tagay wuxuuna tusay aduunkii uu soo helay xaaskiisii, iyadiina yaab iyo amakaag baa ku dhacay. Waxay qaadan kari wayday in dameerkii xaabada lagu doonay uu dahab keenay. Kolkaas bay ku qayliday Cali Baaba oo ku tidhi “waryaa xageed ka soo xadday dahabkan?!!”. Kolkaas buu u sheegay inuusan waxba soo xadin. Wuxuu uga qisooday sheekadii bilow ilaa dhammaad. Kolkaas bay qabowday oo is dajisay.
Reer Cali Baaba waxay damceen inay tiriyaan adduunkii ay soo heleen laakiin way tirin kari waayeen fara badni awgeed. Kolkaas bay isla garteen inaan miisaan mooyee si kale lagu xisaabin Karin. Xaaskii Cali Baaba ayaa aaday xaafaddii Qaasim, Cali Baaba walaalkii, si ay uga soo ergisato miisaan. Laakiin Qaasim xaaskiisii ayaa is waydiisay waxa ay reerkan fuqarada ahi miisaamayaan. Waxay go’aansatay inay ogaato waxaas. Inta aysan miisaankii siinin ayey salka ka marisay malab si ay waxa lagu miisaami doono ugu soo dhagaan.
Reer Cali Baaba alaabtii way miisaanteen wayna iska celiyeen miisaankii laakiin qadaadiic yar oo dahab ah ayaa salka kaga soo dhagtay kafaddii miisaanka. Xaaskii Qaasim oo fahantay xogtii ayaa u warrantay. Waxay u sheegtay in reerkii gaajada ahaa ay meel u jabtay oo ay maanta dahab miisaamayaan.
Qaasim ayaa soo aaday Cali Baaba wuxuuna waydiiyey meesha uu ka keenay adduunkan uu helay. Laakiin Cali ayaa ka warwareegay inuu u sheego. Si ka duwan caadadiisii iyo naxariis darradii lagu ogaa ayuu Qaasim u sasabtay Cali wuxuuna u baryay si adag.
Cali oo ka adkaysan waayey baryadii walaalkii ayaa u sheegay sirtii. wuxuu si faahfaahsan ugu sharraxay wixii dhacay dabo iyo dacal. Waxaa kale oo uu u sheegay godkii iyo furihiisii ahaa “sinsineey fur” iyo qufulkii ahaa “sinsineey xidh”.
Qaasim oo ahaa nin iimaan la’ ayaa tiigsaday waaga barigiisa. Aroortii ayuu rartay toban dameer si uu u soo buuxsado wuxuuna u kallahay buurtii macdantu taallay. Godkii ayuu horjoogsaday wuxuuna ku qaylyay furihii godka “sinsineey fur”. Godkii ayaa furmay waxaana gudaha ku xarooday asaga iyo tobankii dameer. Wuxuu ka fajacay wixii aduun meesha yaallay wuxuuna billaabay inuu jawaanadii u saarna dameeraha ku haro dahabkii iyo dheemantii godka buuxday. Jaawannadii oo dhan ayuu buuxshay, jeebabkiisii ayuu ilkaha mariyey, meel kasta oo wax u qaadi kartayna wax buu ku riday. Qaasim in badan ayuu godka ku jiray asagoo hunguri waynidiisu ay illowsiisay inuu meel halis ah joogo wuxuuna baraarugay oo kaliya markuu waayey meel uu wax ku rito.
Dameerihii ayuu u soo dareershay xagga iridda, wuxuuna doonay inuu furo balse wuxuu halmaamay furihii ahaa “sinsineey fur”. marba wax buu ku dayey: “qamadiyeey fur”, “galleyeey fur”, “bariisow fur”, “baastooy fur” mise wax furmayaa ma jiraan.
Asagoo meeshii taagan ayuu maqlay daryaan ka soo yeedhaya fardo ay wateen tuugtii oo soo socda. Argagax ayaa ku dhacay. Marba dhinac ayuu u booday. Laakiin waxba ma uusan qaban Karin. Wuxuu garowsaday in ay iimaan la’aantiisu halkaa dhigtay laakiin taasi waxay ahayd mar ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.
Tuugtii oo wata alaab kale oo ay soo dhaceen ayaa yimid. Hoggaankii ayaa sidii caadada ahayd soo istaagay iridda wuxuuna ku dhawaaqay furihii “sinsineey fur”. Dhagaxii ayaa dhinac u dhaqaaqay mise waxaa iridda taagan nin alaabtoodii ku rartay dameero. Ciil iyo cadho ayaa buuxiyey tuugtii. Qarracan ayaa ka meel waayey. Hoggaankii ayaa amar ku bixiyey in ninkan seefaha la saaro dhiigiisana la cabbo.
Waxaa hal mar Qaasim dushiisa ku hoobtay afartan seefood. Nin walba meeshuu kala gaadho ayuu kaga dhuftay. Meel kastay kaga dhacday waxaana go’ay labadii gacmood.
Tuugtii alaabtii ayey dajiyeen maydkii Qaasimna iridda godka ayey dhigeen si ciddii danbe ee u dhawaata godkaas uu cashar ugu noqdo wayna iska tageen.
Habeenkii baa galay. Xaaskii Qaasim ayaa wayday. Walwal iyo cabsi baa ku dhacay. Waxay ogayd inuu meel halis ah aaday, waxayna ka cabsatay inuu dhib gaadhay sida in la dilay, la xidhay, godkii ka soo bixi waayey ama ku dumay iwm. Waxay ku soo guurtay dumaashigeed Cali Baaba, waxayna u sheegtay in Qaasim la la’yahay. Cali wuxuu ku yidhi anaa subaxdii kallihi ee iska walwal la’aw.
Cali Baaba ayaa kallahay aroortii wuxuuna abbaaray buurtii. Godkii ayuu dul joogsaday mise naxdin badanaa! Maydkii walaalkii oo labada gacmood go’an ayaaba yeella afka godka. Waxaa haleelay muraara dillaac iyo murugo aad u wayn. Wuxuu ka argagaxay dhimashada walaalkii iyo waliba sida xun ee loo dilay.