Eng Jebiye oo si kulul uga hadlay dayacaya dekedda Boosaaso weerarna ku qaaday madax Puntland ah.
Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso ayaa horjoogsatey dedaalo kasta oo lagu doonayey in wax looga qabto baahiyaha dekedda iyadoona waxba ka fulin heshiiskii ballaarinta iyo dayactirka ee ay Puntland kula heshiisay.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Sinnaan iyo Caddaalad ee Puntland Maxamuud Xasan Khaliif Jebiye oo ka hadlayey degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa nasiib darro ku tilmaamay burburka ka muuqday dekedda isagoona sheegay inay rag reer Puntland ah ka dambeeyeen arrintaasi.
“Waxaa nasiib darro ah marka Siyaad Barroo laga cabanaayey iyo dowladdii Kacaanka ee laga cabanaayey labadii mashruuc ee markii ugu dambaysay Ilaaha Khaaliqa ah inooga soo qaaday in dad siyaasiyiin ah oo reer Puntland ay labadiiba gacanta ka bixiyeen” sidaasi waxaa yiri Eng Jebiye.
Isagoo siweyn u dhaliilay burburka dekedda Boosaaso iyo dib-udhaca ay ku keentay shirkadda DP World ayuu yiri markale,”Saw nasiib darro ma ahan in maanta dekeddii laleeyahay waxba lagama qaban karo maxaa yeelay contract baa lala galay, wixii lagula sharditamay ma fulin, waa in runtii shicibka loo sheegaa”.
Eng Jebiye ayaa sidoo kale sheegay in mashruucii lagu dhisilahaa wadada isku xirta Garoowe iyo Galkacyo ay lunsadeen rag reer Puntland ayna nasiib darro tahay in maanta aysan Puntland lahayn waddooyin laami ah iyo kaabayaal kale oo dhaqaale aan ka ahayn garoon diyaaradeed.